Liiska Qandaraasyadaaan loo tartamin ee Qaleylka lagu qaybsaday dhawaan iyo Dagaalka Dhaqaale ee Dekeda Berbera iyo Free Zonekeeda ka bilaabmay. qalinkii Fidhinle UK

Liiska Qandaraasyada aan loo tartamin ee Qaleylka lagu qaybsaday dhawaan iyo Dagaalka Dhaqaale ee Dekeda Berbera iyo Free Zone keeda ka bilaabmay. qalinkii Fidhinle UK

Xukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii  dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii, Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan. Kadib markii ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baananka dalka  ku xaraysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu inoogu deeqaan.

Taasina waxay keentay in maanta Somaliland yeelato shaqsiyaad dhawaan dhalad ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumadan musuq-badan mudo kooban oo 6 sanadood ah. Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey.  Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka,maganta,moorada, muquunada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka,  Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey iyo muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey: Qandaraasyada tirada badan ee Cadaalad darada lagu bixinayaa waxay nusqaan iyo naaneys xumo ku tahay haykalka iyo  Haybadii Xukuumadan gabalkeedu sii dhacaayo ee talada haysa.

1-   Qandaraaska Hoteelada  Dalxiiska ee dhulka dadka iyo danta guud loo boobay

2- Qandaraaska dhismaha Deyrka dheer ee Suuqa xorta ah ( Free zone ). 
 

3– Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Agabkii hore ee Dekeda Berbera

4-  Qandaraaska isgaadhsiinta Dekeda, Free Zone ka  iyo Shaqaalaha DPW

5- Qandaraaska qaybinta Shidaalka iyo Kaalimaha Shidaalka ee Dekeda iyo Free Zone ka 

6- Qandaraaska Daabulaada shaqaalaha DPW iyo Dayactirka Gaadiidka DPW iyo Free Zone ka.

7- Qandaraaska Caymiska shaqaalaha iyo asadka Dekeda iyo Free Zone ka

8- Qandaraaska Nadaafada Guud ( Cleaning ) ee Bekeda iyo Free zone ka

9- Qandaraaska Keydka Qaboojiyeyaasha Dekeda iyo Free Zone ka

10- Qandaraaska Xawilaada lacagaha iyo sarifka lacagaha qalaad

11- Qamdaraaska Parking ka  Dekeda iyo Free Zone ka

12- Qandaraaska Securitiga suuqa Xorta ama Free Zone ka

13-  Qandaraaska  Saadka shirkada DPW iyo shaqaalaheeda gaarka ah.

14- Qandaraaska qalabka xafiisyada iyo daabacaada rasiidhada iyo steekarada DPWorld.

15- Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera iyo Free zone ka

16- Qandaraaska sifeynta  iyo tayeynta shidaalka Haamaha Berbera

17- Qandaraaska Dhismaha Wershada Hilibka ee Berbera

18- Qandaraaska Fayo- dhawrka  Raashinka (quality control )  ee ka soo dega Dekeda Berbera  .

19 – Qandaraaska Carbinta iyo Tabo-barida Shaqaalaha DPW iyo Free Zone ka.

20- Qandaraaska Quudinta Shaqaalaha Dekeda Berbera, DPW  iyo kuwa Free Zone ka.

Waxaa mushtamaca reer Somaliland indhahooda ku daalacdeen oo dhegahooda ku maqleen in 20-kan qandaraas ee sare dhawaan la siiyey laguna naasnuujiyey sife baalmarsan sharciga qandaraasyada ee dalka u yaala  shaqsiyaad ka mid ah ehelada madaxtooyada iyo shirkado sameys ah oo ay wax ku leeyihiin Wasiiradda ugu tunka weyn xukuumadu. Waxaa laga dhawaajiyey in Qandaraasyadan badan ee  dhinaca ka raran aan Ganacsatada iyo shacabka Somaliland marna loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah ( Fair competition ) laakiin lagu bixiyey sife qaraabo kiil ah oo gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah . Taas oo shacabka reer Somaliland ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii midhihii dawladnimo, maadaama loo badheedhay in aan cadaalad lagu qaybsan mansabka,manfaca, maganta moorada iyo muquunadii uu qaranku wada lahaa. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa badbaado qaran iyo in qandaraasyada  tendher la mariyo oo tar tan xalaal ah loo maro cidii ku guuleysatana la siiyo.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan..   “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”…! Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso !

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso