Guddoomiyaha KULMIYE Oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuusay Cuqaal iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Beelihii Dhawaan Ku Dagaallamay Ceel-Afweyn Oo Nabad Isla Qaatay

Hargeysa:(Toggaherer)-Guddoomiyaha xisbul-xaakimka talada Jamhuuriyadda Somaliland haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay Cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaallamay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kuwaas oo Hargeysa u jooga hawlo nabadda la xidhiidha.
Kulankan qadada loogu sameeyey cuqaasha iyo waxgaradka labadii Ardaa ee dhawaan dagaallamay, ayaa looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-noolaanshaha beelaha walaalaha ee halkaas ku dhaqan iyo sidii taageero buuxda loogu muujin lahaa go’aamada nabadgelyo ee ay labada dhinac dhawaan qaateen.


Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi-dheere, xoghayaha guud Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Afhayeen Xasan Maxamed Cali(gaafaadhi), xubno xukuumadda katirsan iyo madax-dhaqameedka labada ardaa ee la casuumay, ayaa madasha goob joog ku ahaa, waxana halkaas laga jeediyey hadallo dardaaran iyo bogaadin u badnaa oo lagu muujinayey yididiilada iyo naruurada cusub ee dhidibada loogu adkaynayo nabad ka aslaaxda deegaanka Ceel-afweyn.


Suldaan Saleebaan Cawil Dirir oo kamid ahaa madax-dhaqameedkii beelaha Ceel-afweyn, isla-markaana hadhimo-shareedka ka qayb galay oo halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey inay nabadda la wada guntay ka go’an tahay, isaga oo madaxdii madasha joogtayna ka codsaday inay wixii awooddooda ka baxsan ee nabadaas lagu adkaynaya kala qayb galaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annagu haddii aanu dadka halkan fadhiya nahay way naga go’an tahay inaanu nabaddaas xidhno, goobtiina waanu la tegaynaa, laakiin madaxda xisbiga waxanu uga baahanahay oo aanu ka codsanaynaa inay gacan buuxdaa naga siiyaan gogoshaas iyo wada-hadalkaas wixii taageero ah ee aanu uga baahanno.”

Chief Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed iyo Caaqil Xuseen Digaale Yuusuf oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna xusay inay adkaynta nabadda dhalatay u guntan yihiin, isla markaana ay hirgelinteeda iyo ka midho dhalinteedaba xil weyn iska saari doonaan, waxana ay si weyn ugu mahadnaqeen muhiimadda weyn ee uu hoggaanka xisbiga KULMIYE siinayo nabad laga dhex dhaliyo beelaha walaalaha ee colaaddu ku dhexmartay deegaanka Ceel-afweyn.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diriye iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu kaalin weyn ku lahaa sidii jawi nabadeed looga dhex abuuri lahaa labada beelood ee walaalaha, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay nabadu leedahay, waxana ay labada dhinac ugu baaqeen inay dariiqa nabadeed ee ay haatan hayaan ka midho dhaliyaan oo aanay ka hadhin.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa si weyn u amaanay go’aanka nabadeed ee ay waxgaradka labada dhinaca qaateen, isaga oo caddeeyey in ujeeddada uu xisbigu hadhimo-sharafeedda ka leeyahay tahay taageero uu nabadda iyo walaaltinimada labada dhinac u hayo, waxana uu yidhi, “Ujeeddada qadadu waa mid lagu taageerayo go’aankii nabadgelyo ee aad labadiina dhinac qaadateen, cid walba oo danta guud iyo walaaltinimada danaynaysana xaq baad ugu leedihiin inay idin sharfaan arrinkaas wanaagsan ee aad samayseen, wax aynaan inagu dhammaysanna cidina inoo dhammayn mayso oo waxa kaliya ee horumar lagu gaadhi karaa waa nabadda oo shuruudo badan leh, balse ta ugu muhiimsani tahay in dadku is aaminaan oo daacad la ahaado, isla markaana la ilaaliyo inaanay wada-hadalka iyo xidhiidhku kala go’in.”

Gududdoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii madasha soo afmeeray, ayaa u mahadnaqay waxgaradka labada dhinaca ee nabadda wada xidhay, waxana uu sheegay inay xisbi iyo xukuumadba diyaar u yihiin inay garab galaan jawiga nabadeed ee labada dhinac ka dhex abuurmay, waxana uu yidhi, “Waayeelka reer Ceel-afweyn ee nabadda soo xidhay waanu u hambaleynaynaa, waanu u ducaynaynaa, sidaas la wada sheegayna nabadda ayuun bay nololi ku jirtaa, waayeelkiina arrinta isu xil saaray ee u guntadayna ilaahay haka abaal mariyo, annaguna waxanu idinkula dedaalaynaa oo aynu ka wada midaysanahay inaynu nabaddaas xejino, codsigiinii ahaa ahaa nabadda hanalagu taakuleeyona wax allah wixii karaankayaga ah xukuumad iyo xisbiba waanu idinku garab gelaynaa oo idinkaga hadhi mayno.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso