Siciid Maxamuud Gahayr Oo Maanso Cusub Kaga Qayb-galay Miimleyda Weedhsame Bilaabay

Macaan-jecel: Maanso Ka Tirsan Miimleyda Cusub!

Maansadan magaceeda waxa la yidhaahdaa Macaan-jecel, waxaana curiyay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), waxa ay ifka u soo baxday 20kii March 2017ka. Waxa ay daba-socotaa Miimleyda ka curatay maansadii Mudduci ee uu tiriyay Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Waxa ay is-barbardhig ku samaynaysaa beri ay xayawaanku madaxweyne ka dhigteen bahalka maska iyo maamulka maanta talada haya.

 

Iyada la safan dhan ka mid ah labada kooxood ee hal-abuurrada ah waxa ay tidhi:

 

Mahuraan Abwaanow

Weedhsamow mudnaan baan

Kugu soo majeertee

Murtidaadi laabtiyo

Maskaxdaa ku reysee

Haddii aad mudduci culus

Ku bilawday miimkii

Cabdillaahi mudhay oo

Marag kugu labeeyaan

Mahad weyn dul-saaroo

Murtiyahan Awaariyo

Marwo Deeqa Nuux iyo

Maansayahanka Daah iyo

Maskax-maalladeennaan

Ku milgeeyay heestee

Adna Maxamed-Iidow

Macaan-jeceshan ugubkaa

Sooyaalka mudhay iyo

Maguuraanka keydkiyo

Mareegaha xuskaa geli

 

Wax la yidhi makhluuqiyo

Mayeedhaanka nool iyo

Inta magac dugaag iyo

Ku midawday kayntoo

Madar iyo shir joogaa

Yidhi maalin talo guud

“Madax yaan ka dhigannaa?”

Dabadeed maskiibaa

Yidhi “Murashax baan ahay

Waxan ahay masuul geya

Maamulkiyo hoggaankoo

Haddii maandhe lay xulo

Majaraha xilkee qaran

Maansha’e riyaaq baad

Ku mushaaxi doontaan

Magan waan tixgeliyaa

Marti waan u roonahay

Maxastiyo saboolkaa

Hasha maali doonoo

Haddii ay maxkamad tahay

Meerisyada sinnaantaan

Ku macaamilaynnaa”

 

Inta moog warkiisoo

Muraaqooday xiisii

Miiggane atooroo

Wuxuu maaruq geystiyo

Manaayaba ogsoon baa

Kacay maalintaasoo

“Maqla” weedhan buu yidhi

“Inaad tahay mur iyo halis

Iyo maalay noo daran

Maanku wuu ogsoonyee

Adigoon sidii malab

Isu kay macaanayn

Aan mahadhadaadii

Maqashiiyo uunkee

Horta mee bakaylihi?

Mar dhawayto sawtaad

Ma-naxow jaqayseed

Waaxyixii mirateed

Miiratee raqdiisina

Magaalada dhex madhan tahay

Yaa musiibadaas iyo

Mawdkiyo sharkaa falay

Micidaadu adigoon

Madax noo ahayn bay

Mudday waaxyahaygee

Haddii aan malaaq iyo

Madaxweyne kaa dhigo

Saw inaad na madhisiyo

Maangad kaama fili karo”

 

Muusannaw abeeskii

Wuxuu yidhi “maroor iyo

Matag weeye hadalkuye

Waxan ahay nin muumina

Manfacayga soortii

Maadha iyo dooggiyo

Manka geedda weeyaan

Muslin illiga kuma dayo

Maan mirannin dhiig abid

Macmalka iyo eedduna

Masabiddid xun weeyaan

Mawd lama huraayee

Mudanyahaw bakaylii

Malaggiisi baa galay

Maalig baana oofsaday”

 

Kolkii laga mashaawiray

Xaajadii markaa tiil

Magacaabiddii guud

Maskii talada loo dhiib

Maalmo dhawra dabadood

Midabkuu lahaa iyo

Muuquu lahaan jiray

Maradii ka qaad oo

Maski dhaqannadisiyo

Muuji kuu ahaan jiray

Miskiinkii boqnaha goo

Musuq maasuq fara-baday

Makastiina naafee

Bulshadii midaysnayd

Kala-miiq dhammaantood

Mirirkiiba wuxuu yidhi

“Mijo-yare atoorkani

Waa mucaaridkaygee

Madaxiisa soo jara

Kaan maamulkayga

U midiidin noqonayn

Waa inaad maxbuus iyo

Ka dhigtaan madluufoo

Mustaafuriya ruuxii

“Maya” dawladdaay dhaha”

 

Metelkiyo warkaygaas

Wax la midaba saakana

Malyuunnada dhulkaygii

Kuwa maanta siistee

Murjinkiyo colaaddii

Marinnada Carbeed tiil

Ka macaash deyaayee

Milatari col iyo guluf

“Mushaaxay” leh ciiddii

Marsadii dalkaygaa

Midigtii la dhiiboo

Minan iyo dhul iyo deyr

Mulkigii xaraash baa

Lagu maal-wareejoo

Wadhatada marraaq iyo

Moofaa la geliyoo

Sicir-barar mug weynbaa

Danyartii murkiciyoo

Maariyo xal loo kaco

Waxa caawa uga mudan

Maxafsiyo xatooyiyo

Mallafsigiyo boobkoo

Waxa maatidaydii

Miranaaya jebis iyo

Miciyii abeeskoo

Kii miciin u fidin-laa

Iyaguu ku maqan yahay

 

Maamuus-jabkeenniyo

Milge-beelisteennaa

Magac laga deyaayaa

Mudka oo la ruugiyo

“Madhiyaayda” waayadan

Dalka lagu magool tiray

Mahadhadan cusaybkaa

Sidee baan u moosnaa?

 

Shalay duul madhnaayoo

Macaluul ku soo koray

Magacaabis dabadeed

Maal-qabeenno weeyoo

Milyaneernno waxa jira

Fooq iyo madarad dheer

Muddo kooban seestee

Kuwa macasha weynow

Miidaanka Aakhiro

Maxaa Mawle lagu odhan?

Moqoraysigoodani

Mijo-xaabi qarankee

Moohaarradoodani

Milaygay tif wada noqon?

 

Durdurka iyo maaxdiyo

Mahwi iyo hadday ceel

Ka cabbaan mir iyo layl

Waxa jira magaag aan

Ku mafsuudin dhereggee

Macaan-jecel harraaddani

Goormay mafsuuddaa?

 

Madi caanaheedii

Qaar baa ku mamay oo

Hadduu mayayga roobkii

Maansheeyo uunkaba

Waxa loo muhanayaa

Inay maandhe koox qudhi

Mahiigaanka dhuratee

Haddii uu malyuun qado

Toban aan kol miigani

Inay miidda laastaan

Waa meel-dhac yaab-lehe

 

Murdisadan na guud-sudhan

Iyo maashan nagu taal

Muftiyahaw sidee baa

Miridh loo dabiibaa?

Ma maruuryadadiyo

Murugiyo lurtayday

Maad weli u haystaan?

Mooshin-quutayaashow

Muudmuudsigiinnani

Midho aayantiin liyo

Miid kuuma dhalayee

Mooraha qalloocdiyo

Malluugaha xogtoodaa

Maqan jaalle ila dhawr

 

saedmgahair@hotmail.com

 

 

Halkan Guji Maansada Muddan iyo Abwaan Daaha Gaas

Halkan Guji Maansada Miisaan Abwaan Bashiir Sacad

Halkan Guji Maansada Miyir Sida Abwaan Xasan Cabdilaahi Ganay

Halkan Guji Maansada Maato Abwaan Ahmed Hassan Ducaale

Halkan Guji Maansada Muusanow Iyo Abwaan Cabdishakuur Qaraami

Halkan Guji Maansada 2aad MaskaxCelin Abwaan Sharmaarke Qaloonbi
Halkan Guji Maansada Milay Abwaan Cabdiraxmaan Haldhis

Halkan Guji Maansada Muwaaddin Abwaanad Amran Sharaf

Halkan Guji Maansada Magansi Abwaan Cali Wadaadyare

Halkan Guji Maansada Midhaale Abwaan Sharmaarke Abdi Laki Qoloonbi

Halkan Guji Maansada Muran Diid Abwaanad Deeqa Nuux Yoonis

Halkan Guji Maansada Iska Hubiya Moqorada Abwaan Farxaan Bawkax

Halkan Guji Maansada Millad Abwaan Maxamed Galaydh

Halkan Guji Maansada Maxkamadda Abwaan Sakariye Awaare

Halkan Guji Maansada Mudaacali Abwaan Daaha Cabdi Gaas

Halkan Guji Maansada Marag Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganay

Halkan Guji Maansada Mudduci Abwaan Weedhsame

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso