Inta Aan La Shaashaynin Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo….

Somaliland waxa ay leedahay nidaam dowladnimo iyo dhaqan soo jireen ah oo ka fac-weyn qaar ka mid ah dhaqanada dunida maanta inteeda kale ka jira, kaasoo ay ku faanaan haybada iyo sharafta uu leeyahay dhaqanka af-kooda hooyo ee qaniga ah, hibada suugaanta, fanka, farshaxanka iyo cuntada, kaasoo waafaqsanaa dhaqanka diinteena suuban ee Furqaan.
Madax-weynaha sharafta mudan ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu ogaaday in aanu gaadhin heerkii qorshaha bartilmaameedka u ahayd, isla-markaana uu ku yimid hoos u dhac weyn dhinaca dhaqanka iyo dalxiiska oo ah bar ka mid ah baraha ugu waaweyn Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

ka dib, waxa uu wareegto ku soo saaray wasaarad cusub oo uu ugu magac daray wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, isla-markaana, waxa uu u magacaabay wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska mudane, Khadar X. Yuusuf Cabdilaahi, markay taariikhdu ahayd 03-dii bishii December sannadkii 2016-kii.
Waxa inta badan ka hor yimaada hawl kasta iyo shaqo kasta oo la yagleelayo turunturooy caqabad ku noqda dhaqaajinta hawlaha qaranku u baahan yahay in si hufan loo qabto, isla-markaana, ay haboon tahay in lagu sameeyo qiimeyn iyo dabagal, sidii loo fuliyey siyaasaddii iyo qorshihii nidaamka maamulka dowladnimo.
Haddaba, waxa isweydiin mudan sababta ay Wasaaradda Ciyaahu u fulisay wareegtadii uu madax-weynuhu ku magacaabay wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, wasaaradaas oo iska badashay loogadii hore ay u isticmaali jireen, halka, ay wasaarada warfaafintu illaa iyo hadda ay ka tahay wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka.
Arrintaas ka sokow, hadda waxa maanta caasimadda Hargeysa aad ku arkaysaa boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin Xarunta Dhiraynta, Dhaqanka iyo Xidigiska oo daahfuri doona tirsi qoraxeedka soomaalida, waxaana ka soo qayb-gali doona ergooyin ka kala socda wadamada Kenya, Djabuuti, Somaliya iyo Itoobiya, waxaana maal-galinaysa wasaaradda maaliyadda qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Akhriste muuqaalkani miyaanu u eekayn mid lagu burburinaayo nidaamkii dowladnimo, sababtoo ah wasaarada maaliyadu maaha hayad siisa mashaariicda ururada wadaniga ah, tiiyoo wasaaradihii loo igmaday hawlahaasi shaqo ay hawl la’aani hayso, sida, wasaarada deegaanka oo shaqo ku lahayd dhiraynta, wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska iyo wasaarada beeraha oo shaqo ku leh saadaasha cimilada iyo hawada, isla-markaana la afariirsan arrintan ay wasaarada maaliyadu dabada ka riixayso.
Gabagabdii waxaan u soo jeedin Madax-weynaha ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane, Cabdirahamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) in uu arrintaasi saxo, ka hor inta aan la shaashaynin Dhaqanka iyo Nidaamka Dowladnimo.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso