TACSI: Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland

TACSI: Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Maxamed Faarax Xirsi, Sahra Maxamuud Maxamed, Maxamed Cabdi Cumar, Cumar Aadan Yusuf, Boobe Yusuf Ducaale, Maxamd Siciid Gees, Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Maxamed Cismaan Fadal, Xasan Cumar Halas, Siciid Axmed Maxamud, Muuse Jamac (Muuse Xisbi), Cabdi Maxamed Axmed (Xarbi), Cabdi Maxamed Aadan (Rubaax), Maxamed Cabdillaahi Cabdi, Carafaad Samir Maxamed, Ayanle Ahmed Cumar, Maxamed Xussen (Mu’adinka), Caasha Maxamed Nuur, Harun Yuusuf, Khadar Maxamed Guuleed. Dhamaan dadkaas oo isugu jira BoD – APD, Madaxdii hore uga soo shaqeysay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka iyo kuwa qaar ka mid ah kuwa iminka ka shaqeeya, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Raage iyo dhamaan Reer Cismaan Raage, waxayna uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

TACSI

Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland oo Dhambaal Tacsi ah oo u Diray Qoyskii iyo Ehaladii uu ka Geeriyooday Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge

____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland Maxamed Faarax Xirsi isaga oo ku hadlaya afka Akaademiga Nabadda iyo Horumarka iyo kan shaqaalaha, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge oo ku geeriyooday dalkana Canada xalay oo taariikhdu tahay 06 March 2017.

Marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Raagge oo ka mid ahaa aasaasayaashii iyo saraakiisha Hay’adda Interpeace, sidoo kalena ka mid ahaa aasaasayaashii Akaademiga Nabadda iyo Horumarka – Somaliland ee Raggii doorka weyn ka soo qaatay dib-u-dhiskii geesi-socodkii nabadeyntii iyo maamul-daadejinta Jamhuuriyadda Somalilnad.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso