(Buugga Xassuus-Qorka/Diary Book )

(Buugga Xassuus-Qorka/Diary Book )

Muddo badan ka dib aan haddana Qallinka iyo Qorraalka dib ugu Noqdo,Ciwaanka Maqaallkani Yarna aan Idinla wadaago.

Xassuus-qor waa Diiwaan-gelin Marka ugu horreysa loo Adeeggsado Gacanta,iyada Marka Dhacdada la Qorraayo lagu lifaaqo Maalinta iyo Wakhtiga ay Dhacday.Xasuus-qorka Qofnimo ayaa ah mid Waayo-aragnimo,Dareen iyo Dhacdooyin horre lagu Qoro.Qofka Keydiya ama ilaaliya Xasuus-qorada Ayaa Loogu yeedhaa Xasuus haye.

Wax badan oo Xarumaha Shaqadda sida Dawladda,Meheradaha ganacsi,Xafiisyada ama Saldhigyada ciidammada lagu Qorraayo Ayaa Mustaqbalka ka qeyb-qaadan doonna Xadaarada iyo Horumarka Bulshadda.

Maanta Dunnida marka la soo haddal-qaado Xassuus qor si guud waxa loo Aqoonsaday Xasuus-qor Qof leeyahay,Xasuus-qor,kaasi oo ah mid gaar u ah qofka Gacantiisa ku qoray,Isla markaasin aan dhaafin Qoyskiisa iyo Asxaabtiisa ama qaraabadiisa.Xasuus qorku waa Meel aynu dib uga helno Xog Xasuuseed Qorraaga qorayaa uu Taariikh Nololeedkiisa ku sheego,si Guud arragti ahaan lama daabici jirin Xasuus qorada si gaar ah qof u qortay,balse sannadihii ugu danbeeyey Adduunka Waxa ku soo batey dadka Xasuus-qorkooda Daabacaad u raadiya isla markaasina Faa,ido ka raadiya lacageed.

Shaqaalaha,Hoggaamiyayaasha,Ganacsatada iyo Madaxda Ayaa Fursad u hela in Xarumaha lagu dhex-siiyo Laba Buugg oo kala ah Buugga Jadwalka Taariikhda ee Sannadlaha ah (Calendar) iyo Buuggaagta Xasuus-qorada (Diary Books),Buuggaagtaasi oo ah kuwo sannad kasta loo soo daabaco Nashqad cusub oo ka duwan Kuwii horre iyada oo hab casri ah isla markaasina soo jiidasho leh loo soo saaro,Xubnaha ku xidhan xafiiska ama Shirkada iyo Guud ahaan dad badan oo Shaqaale ah ama Dibadda ka ah Xafiiska ayaa iyaguna hela ama la gaadhsiiya buuggaagtaasi aynu kor ku xusney,Buugga Jadwaalka Taariikheed Ayaana ka qeybis badan, Inta badana aad ku arkeysaa gacmaha dadka marka la bar-bardhigo Mid-ka xasuus-qorka.

Dadka Shaqaalaha ah Ayaa Dhexdooda isa soo gaadhsiiya Buuggaagtani,Kuwaasi oo Xitaa guryahooda Keena,Tiradooda badan Awgeed iyo Suuqeynta ku Jirta Ayaana sababta in dad aad u tiro badani ay helaan ama Codsadaan in la soo gaadhsiiyo marka ay soo baxaan Sannadkiiba hal-mar,Xirfadle Kasta ayaana aad u Daneeya helida buuggaagtan yar-yar ee Ahmiyadda badan leh.

Haddaba waxa aad Arkeysaa Dadyow badan oo Labadan Buugg u Isticmaalaya si ka duwan sida loogu talo galay,gaar ahaan Ardey La imaneysa Dugsiyada ama Jaamacaddaha oo rabta in ay casharada ku qoraan,iyaga oo Buuggaagta kale ee gaarka u ah Dhigashada casharada ka Imanaaya.

Si aad wax uga Ogaato Wakhtiga Xasuus-qorka Arragtidiisu ay soo Billaabantay,Qofkii ugu Horreeyey ee Taariikhda reer galbeedka Abid Qora,iyo Guud ahaan Taariikhda Dhaxalka ah ee Laga Keydiyey Xasuus-qorka ama Halka laga Keenay Markii ugu Horreysey Diary oo ah Diarium/Latin,Booqo Google.com/Diary History Wikipedia.

Maktabadaha iyo Dukaamada Buuggaagta Ayaa Xasuus-qorka iyo Buugga Jadwalka Taariikheed oo ka duwan Kuwa kale ee Wax lagu Qorto aad ugu Tageysaa,Rugta Akhriska Buuggaagtana waxa aad Meelo badan ku arkeysaa Qeybo buuggaag ah oo Daabacan isla markaasina ah Xasuus-qoro ay soo bandhigeen Qoraayadu.

Buuggaagta Xasuus-qorka,Markaad Akhriyeyso Dareen gaar ah Ayey wataan oo ay kaga duwan yihiin Kuwa kale,Dhab ahaantiina Markaad Taariikh Nololeed Qof Isaga Hadlaayo Akhrineyso Waxa aad ugu tageysaa Dhacdooyin Farxadd iyo Murugo Ilmo kugu soo Joogsato leh.

Abdifataah M.Ahmed

Gambiile10@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso