Gudaha Ka Eeg :Dallad Ay Ku Bahoobeen Dhallinyarada Kooxaha Ciyaartoyga Degmooyinka M/Haybe Iyo M/Mooge Oo La Midoobay KULMIYE + Sawiro

Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dhallinyaro fara badan ku bahoobay dallad la yidhaa AL-BACAS oo ay leeyihiin kooxaha ciyaartoyga kubadda cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Koonfurta magaalada Hargeysa, kuwaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga.
Xaflad ballaadhan oo dhallinyaradani u sameeyeen midowga dhexmaray xisbiga KULMIYE oo ka dhacday huteelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa maanta, wax aka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige, madaxda heer gobol ee xisbiga, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somaliland iyo dhallinyaro tiro badan oo ka socotay kooxaha kubadda cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee ku bahoobay dalladda Al-Bacas iyo masuuliyiinta dalladda aqoonyahanka Horseed oo iyaguna dhawaan ku biiray xisbiga.
Guddoomiyaha dalladda Al-Bacas Mr. Axmed Nuur Xuseen oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa faahfaahin ka bixiyey dalladdooda oo uu sheegay inay ka kooban tahay toddoba kooxood oo ka dhisan xaafadaha labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, kuwaas oo sheegay inay si buuxda isugu raaceen taageerada xisbal-xaakimka KULMIYE, waxaannu yidhi, “Annagu waxaannu go’aansanay in aannu maanta cuddudayada taageero, caqligayada iyo aqoontayadaba in aannu ku taageerno xisbiga KULMIYE. Haddaannu nahay dalladda kooxda Al-Bacas waxa naga xaaraan ah saddex qodob oo kala ah; kow, balwadda oo waxaannu nahay qayb ciyaareed, laba dhallinyaro ayaa xisbi ka soo baxday oo mid kale u digo-rogotayna waa naga mamnuuc oo waxaannu nahay dad meel iyo mowqif keliya uun haysan karaya, saddex, annagoo ka tirsan xisbi ayaanu mid kale oo olole maalintaa wada raacaynaa oo basaskiisa fuulaynaana waa naga xaaraan.”
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka dalladda Al-Bacas Maxamed Yuusuf Cismaan, Tababaraha kooxda Dalsan Liibaan Cabdirisaaq Caydiid iyo Tababaraha kooxda Danab Khadar Xasan Aadan, ayaa iyaguna dhammaantood ka xog-warramay ku biiristooda xisbiga KULMIYE iyo ujeeddada ka dambaysa oo ay ku tilmaameen inay tahay mabda’ iyo hiigsigooda in horumar dalku gaadho oo ay u arkeen in KULMIYE yahay xisbiga keliya ee ka midho-dhalin kara.
Guddoomiyaha dalladda aqoonyahanka Koonfurka Hargeysa ee HORSEED Mr. Cabdiraxmaan Suudi Cabdillaahi iyo Xamse Cabdillaahi Maxamed oo iyaguna xafladda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tallaabadan kooxaha ciyaartoygu kula midoobeen xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen sii xoojinaysa oo qorshihii iyaga ka aqoonyahan ahaan ay kaga midka noqdeen xisbal-xaakimka toddobaadkii hore.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga ee Gobolka Marwo Xusni Maxamed Warsame iyo Guddoomiyaha Haweenka ee Maxamuud Haybe, ayaa si mug iyo miisaan leh u soo dhaweeyey dhallinyaradan cusub ee ku soo biirtay xisbiga oo ay sheegeen inay xoog, cod iyo miisaanba ku soo kordhinayaan xisbiga.
Waxa kaloo iyaguna xafladda ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga ee Golaha Wakiillada iyo Xuseen Xasan Faarax (Badmaax) oo ka mid ahaa garabkii xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen ee dhawaan la bahoobay KULMIYE, kuwaas oo qalbi furan ku qaabilay dhallinyaradan si aad ahna u soo dhaweeyey, waxaanay ka mid noqoshadooda xisbiga KULMIYE ku tilmaameen mid wax wayn ka beddelaysa taageerada xisbiyada ee Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana dariiqa u sii xaadhaysa guul baaxad leh oo xisbiga KULMIYE ka soo hooyo doorashooyinka soo socda.
Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si farxad iyo qadarin wayni ku dheehantahay u soo dhaweeyey dhallinyaradan, waxaannu yidhi, “Anigoo magaca Guddoomiyaha iyo xisbigaba ku hadlaaya waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa oo u baarigaynaa, waxaannu u arkaynaa inay hiil tahay ururka Horseed ee xafladdiisii aannu qabanay Khamiistii iyo ururkan Al-Bacas labadaba si gaar ah oo xurmo iyo xushmad leh baanu u soo dhawaynaynaa. Maanta marka laga bilaabo xisbiga KULMIYE ayeynu ka wada midnahay, kaasi ayeynu ku wadashaqaynaynaa, kaas ayeynu caqligiisa iyo cuddudiisaba isu gaynaynaa.”
Waxa kaloo uu u ballanqaaday toddobada kooxood ee dallada Al-Bacas ka kooban tahay in xisbigu ka taageerayo dirayska iyo qalabka ciyaaraha kubadda cagta sida koobabka.

 

img class=”alignnone size-full wp-image-43765″ src=”http://Toggaherernews.com/togga/wp-content/uploads/2017/02/dal12.jpg” alt=”” width=”960″ height=”640″ />

Advertisement

Ku Xayeysiiso