Guddoomiyaha KULMIYE oo Dhallinyarada Somaliland ku Hambalyeeyey Xuska Munaasibadda 20-ka February

Hargeysa (ToggaHerer )- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyey go’aankii uu 20-ka bisha labaad (Fabruary) ugu aqoonsaday inay noqoto maalin qaran oo ay yeeshaan dhallinyarada reer Somaliland, waxaannu hambalyo la xidhiidha xuskan u diray guud ahaan da’yarta waddanka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa maanta, waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay lahayd maalinta dhallinyarada sida gaarka ah loogu asteeyey oo ahayd 20/02/1982-kii, waxaanu sheegay inay dharaartaasi ahayd mid horseed ka noqotay halgankii dheeraa ee dalka lagu xorreeyey, isla markaana ay dhallinyaro da’doodu hoosaysaa ku dhiirradeen inay dareenka bulshada soo jiitaan.

Ugu horrayn, Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey hambalyada dhallinyarada iyo sharraxaad uu ka bixiyey sidii ay maalintaasi ku timi iyo dhallinyaradii horseedka u ahayd, waxa uu yidhi, “Munaasibadda 20-ka bisha February waxaan hambalyo u dirayaa dhammaanba dhallinyarada reer Somaliland gudo iyo dibadba meel ay joogaan, 20/02/1982-kii waxay ahayd maalintii gadoodka weyni ka dhacay maxkamadda Hargeysa ee uu ku fiday Burco iyo magaalooyinka kale ee dalkaba, arrintaasina waxay ka dhalatay niman dhallinyaro ah oo aqoonyahanno ah oo in badani dhimatay iminka oo urur samo-fal ah sameeyey dabadeedna lagu qabqabtay oo lagu xidhxidhay maxaad cusbitaalka Hargeysa u nadiifinaysaan ee aad uga shaqaynaysaan.”

Waxa kaloo uu sheegay in dhallinyaradii horseedka u ahayd maalintaasi ay dhibaato badan muteen, isla markaana taariikhda ma guuraanka ah ee dalka ku xusan yihiin, “Nimankaas dhallinyarada ahaa oo magacoodu ahaa UFFO badankoodii waxa lagu xukumay xabsi-daa’in iyo dil, waxaanay dhammaysteen xabsi dheer oo dhawr iyo toban sanno ka badan ahaa oo Labaatan-jirow ah oo ay noloshooda intii ugu wanaagsanayd takoorid iyo dhibaato ku soo qaateen, waase wax ay dalkooda u soo mareen oo Ilaahay baa ka abaalmarin doona, dalkana baal dahab ah bay kaga qoran yihiin,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sheegay inay maalinta xuska dhallinyarada loo asteeyey shidaalisay halgankii ururkii dibu-u-xoraynta SNM oo markaa bilow ahaa, isla markaana ay ummaddii taageero weyn u muujisay, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “20-ka February waxa ay isku xidhmaan isla maalmahaas iyada oo aanay UFFO iyo saraakiishii ciidammadu wada soconin ayaa waxa tallaabay saddexdii sarkaal ee ugu hor tallaaba oo ahaa Axmed Dhagax iyo Aadan Shiine oo wada socday iyo Maxamed Kaahin oo ku xigay, isla toddobaadkaasna waxa dhacay dilkii Cabdilaahi Siciid (korneyl ciidamadii Soomaaliya ka tirsanaa oo ay dishay Dawladdii Siyaad Barre) oo lagu dilay Dharkeyn-geenyo, waana ayaamo taariikh ah oo qarankani soo maray oo u baahan in si faahfaasan da’yarta loogu dhigo, waana meelaha ay ka bilaabantay gadoodka xoogga leh ee SNM oo markaa isu diyaarindaysay inay hubka qaadato oo markaa bilow ahayd, shirkii London baa lagu dhawaaqay oo dadkii gudaha ayaa xamaasadoodu kululaatay, UFFO ayaana la xidhay iyada oo markaa saraakiisha intii ugu horraysay talowday, dabadeedna waxa karaar xoog ah qaatay halgankii SNM.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku bogaadiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo go’aanka uu maalintan ugu asteeyey inay noqoto maalinta dhallinyarada Somaliland ku yeeshaan qaranka, waxaannu farriin u diray dhallinayarada waqtigan jooga oo uu ka codsaday inay dhuuxaan taariikhda dahabiga ah ee ay dalka u sameeyeen dhallinyaradii facooda ahaa ee ka horraysay, “Waxa Ilaahay mahadii ah oo uu ku ammaanan yahay inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu maalintaas u aqoonsado maalintii dhallinyarada Somaliland, da’yarta maanta joogta iyo kuwa soo socdana waxaan u tilmaamayaa inay da’daa 20-jirka ah ee 30-jirka ka hoosaysa dhallinyaradii maalintaas joogtay oo u badnayd arday dugsi sare ah oo maanta laga yaabo inay lixdankii cago-cagaynayaa ay soo guteen waajib taariikhi ah oo halgan ah, kuwa soo korayana looga baahan yahay inay xorriyada iyo qarankaba sidaas u ilaaliyaan oo ay naftooda u huraan oo ay bartaan taariikhihii dhacay iyo wixii la soo maray,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso