Tarikhdi Dahabiga Ahayd Ee Uu Ka Tagay Full Colonel Maxamed Jamac Belel

gaashaan la sare full cornail allah ha u naxariisate maxamed jaamac balel waxa uu ahaa ardaygii u horeeyaya ee ka baxa secandry school ee police loo qaatay marxuunku 1971 waxa uu ahaa full cornail waxa uu ku soo bartay aqoonta police egland waxa uu diploma sharciga ah ka qaatay washioton DC , 1962 waxa kale oo uu corsis xaga hogaamintaa ku soo qaatay jarmalkii bari 1964 waxa kale oo uu tababar police ku soo qaatay woqooyiga kuuriya 1975 waxa uu madaxwaynuhu u magacaabay safiirkii somalia u fadhiyay jarmalka bari wuu sa diiday waxa kale oo uu u magacaabay maariyihii wakaalada biyaha ee muqdisho waxa isla sidoo kale loomagacaabay badhasaabkii hiiraan iyo jubada hoose . waxa isla markale uu noqday taliya ku xigeenkii police ka somaliyeed ee POLHUWL, waxa uu ahaa saraakiishii policeka ee markuu ina cigaal raysal wasaaraha noqday uu xilka ka qaaday waxana uu ka dhigay buulka , dawladii siyaad bare waxay xidhay shan sano intii u dhaxaysay 1980 ilaa 1988 jeelka hargaysa ee madheera isaga oo la tooganaayo ayuu Axmed cumar jees ka badbaadiyaya , dagaalkii 1988 markii hargaysa la soo galay waxa uu ku xidhnaa birjeex dawladii siyaad bare markay burburtay waxa uu ka mid ahaa goli dhexe ee SNM. somaliland waxa uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyihii police ka ee somaliland . sidoo kale wuxuu qayb ka ahaa ragii sameeyaya xeerki golaha guurtida waxa ugu danbayn uu noqday wasiirkii beraha isla markaa waxa ku timi xaqii oo wuu geeriyooday

waxa weeye barnaamuj taxana ah oo aan idin ka siin doono tarikh nololeedkiisi iyo waxa uu dalka u soo qabtay

Q/qoraa : garaad mahad maxamed cabdi
tell number : 633661359

Advertisement

Ku Xayeysiiso