Soomaali iyo Ximinta ama Xumaanta

Soomaali iyo Ximinta ama Xumaanta

Soomaalidu si guud, waa ummad aan dhiirrigalinta ku fiicnayn, sida dhaqamada soo jireenka ah aad ka dheehan kartana, ximinta qof ku hayo mid kale oo dhiggiisa ah, ama raxan dad ahi ku hayaan qolo kale oo la meeqaam ah, aad ayaa aad uga dheehan kartaa bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, ha ku sii kala badnaadaane.

“ Waayadii u dhexeeyay 1985 illaa 1991, ee dagaalada u dhexeeyay jabhadii SNM iyo maamulkii kali taliska ahaa ee Siyaad AHU, waxa muqdisho u soo qaxay dad badan oo reer waqooyi ah, dadkaas waxa reer koonfurku ugu yeedhi jireen Xabadi-keentay, reer waqooyiguna dab yar ma shidahayn oo iyaguna waxa ay ugu jawaabi jireen xabadi-sugtay” Buuga Dhacdooyinka maddeganayaasha, pake 409.

Sidaa si la mid ah taaganta manta marka aad fiiriso, waxa aan marag ma doon ahayn, taa cagsigeeda in maanta, reer waqooyiga iyo reer barriguba ku tilmaaman dadka reer koonfurka ah xabadi-keentay, reer koonfurkuna xabaddii u rajaynayaan!

Marka aad si fiican u dhugato dhacdooyinka sidan oo kale ah, waxa aad ka dheehanaysaa dhigganaha tagtada, in umada aynu ka soo jeednaa tahay, umadd aan ka wanaagsan ugu hambalyayn fiicnaanta, kuna dhiirri galin hore u socdkiisa wanaageed, se ay tahay ummad qofka dhibaataysan ama tabaalaysan uu rajeeyo in dhibaatada iyo xumaanta lala dareemo, maaha dareenku mid uu rabo in uu noqdo mid loogu diir naxo! Waa mid uu rabo in uu u noqdo wiirsasho, uu ku wiirsado walaalkiis. Waaba kii ay diintu ku sifaysay xasadka in aad qofka kale la jeclaato xumaanta adna aad dhaxasho wanaagiisa.

Abwaan gaarriye ayaa laga hayay, soomaalidu waa Aasi-og, Amaani-og. Oo fahankeeda guud iftiiminayo, in ay tahay umadd qofku marka uu dhinto la maamuuso oo si fiican loo Aaso ama loo duugo, waa umadd marka qofku ka huleelo ee uu aakhiro u carraabo la amaanno, oo inta uu dhex joogo ee uu noolyahay aan libintiisa la sheegin.

Abwaanka ayaa ku cabbiray tuducdan isaga oo tusaalaynaya umadda soomaaliyeed gal-daloolooyinkooda…

Ha laguu ilmeeye, horta dhimo af maahee

Eeggoo la noolyiyo, ifkaan kaaga bahnahay

Wax yar oo aqoonsiya, oon aad u buurnayn

Oo waliba eegey, igu sii amaanoo

Ictiraafka buuxee, aakhiro markaan galo

Iilka igu sugaayiyo, ayantan xabaal galo

Oohintaan mutastiyo, akawnkayga laga jarro!

W/Q:Cabdiqani Iid Cilmi

Email:Cab_dir@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso