Kuwan ayaa ah carqaladaha Jacaylka!

Waxaan akhriyey sheekooyin badan oo Jacayl ah, waxaana muuqata in carqaladda ugu weyn ee uu Jacaylku la kulmaa ay tahay shan tan arrimood oo wada-jira ama kala jira:

1. WAALIDKA oo aan inta badan qaddarin rabitaanka ubadkiisa, una haysta ilmaha uu dhalay in uu yahay addoon uu leeyahay oo isagu uu sida uu doono u adeegsan karo, una malaynaya in ilmihiisu uu yahay dhagax aan isagu waxba rabin ee wixii la hor-keeno uun iska aqbalaya! Waxaana ay waalidka intiisa badani mustaqbalka carruurtooda ku beddashaan dano shakhsiyeed oo aan hunguri dhaafsanayn (inkasta oo ay immika dan kale oo xil raadin ahi soo korodhay haddana tani way kooban tahay iyadu).

2. Kooxaha QURBAHA oo iyaguna ah carqaladda labaad ee Jacaylka! Inkasta oo uu mar-marka qaar xidhiidh ka dhaxeeyo kooxdan qurbaha ka soo dagaagta iyo waalidka oo u dhego-nugul, haddana waxa dhacda in wakhtiyada qaar ay si madax-bannaan kooxdani u af-duubato lammaanaha jacaylka midkood (inta badan xagga dumarka), dabadeedna ay halkaas si fudud xiddada ugu siibaan jacayl muddo badan la soo dhisayey oo tiirar xooggan iyo jawi qurxoon ku naalloonayey!

3. Ta saddexaad ayaa ah DHAQAALAHA. Walow ay dadka qaar aaminsan yihiin in aanay saboolnimo iyo Jacaylku meel wada degi karayn, oo ay jirtaba maahmaah af-gaaleedka ah oo tidhaahda: “Marka ay saboolnimadu kadinka garaacdo, Jacaylku daaqadda ayuu ka dhacaa!”, haddana waxa jiri karta in la arko dadka qaar aan carqalad u arkayn tan, muhiimaddooduna ay tahay uun in haddii la helo laba qof oo raalli iskaga ah duruuf kasta oo jirta iskuna jecel xaaladaha adag aanay dhaqaale la’aantu carqalad noqon karin, balse haddana waxa iska cad in dhaqaale la’aantu ay siyaabo kala duwan u caawin karto dhicisaynta xidhiidhka iyo xubbiga ka dhexeeya labada qof. Labada qof ee dhaqaale la’aanta ku heshiiyaa inta badan waxay u nugul yihiin duullimaadka cadowga dibadda la wareegaya dhaqaalaha, xataa haddii ay labada qof is af-gartaan waxaan ku waafaqayn qoysaskooda, gaar ahaan ka ay inantu ka soo jeeddo!

Saddexdaas qodob ayaa ah carqaladda Jacaylka ee aan ka soo akhriyey buugaagta intooda badan, balse waxa jirta laba carqaladood oo iyagu xilliyada qaar soo raaca kuwaas oo kala ah:

4. Koox la yidhaahdo JACAYL XAASID oo iyaga saamayntoodu ay ku xidhan tahay kalsoonida iyo daacadnimada ka dhaxaysa labada qof, inkasta oo ay inta badan kooxdani ku guuleysato meel-marinta shirqoolkooga, haddana si walba oo ay yeelaan way adag tahay in ay dhex-galaan laba qof oo si dhab ah xidhiidh asluub leh u dhistay oo daacadnimo wadaagay, waayo labadan qof dhexdoodu maba qaadi karto kooxahan!

5. Shayga afaraad ee isaguna carqaladda jacaylka ku ahi waa ISIRKA, waayo waxa jira dadka qaar aaminsan in reeraha lagu kala sarreeyo ama lagu kala hooseeyo (inta badan jaahilnimada iyo badownimada ayaa keenta), taasi waxa ay sababtaa in lammaane isku qalma oo ka kala dhashay reero sida la sheegay nasab sheegta iyo reero la takooro in la isku diido oo la kala fogeeyo cadaawadna laga dhex unko, lammaanahaas inta badan jacaylkooga waxa loo arkaa xaaraan iyo wax aan macquul ahayn, balse haddii ay jirto il-baxnimo iyo aragti fayow oo lammaanahani leeyahay waxay ku dhiirran karaan in ay aqal yagleelaan, waayo dadku waa wada reer Nebi Aadan, waxay ku kala sarrayn karaan ama ku kala hoosayn karaanna waa Diinta Islaamka iyo Alle-ka-cabsiga!

Intaasi waa soo koobidda sheekooyinkaas Jacaylka ahaa, haddii ay jiraan carqalado aan il-duufay oo aanan halkan ku soo qorinna waad ku dari kartaa.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke
Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso