Awooda Golayaasha Deegaanadda ee DIBU U HABEYNTA CASHUURAADKA

 

Biyaha Nadiifta ah ee  dalka  laga isticmaalaa waxa  soo lagu farsameeyaa warshado yaryar  ku yaalaan Hargaysa iyo  Goboladda kale ee Dalka, hadaba waxa jirta Muddo lagu qiyaasi karo ilaa Lix bilood Muran ka taaganaa cashuurta ay Golaha Deegaanka Degmadda Hargaysi ku kordhiyeen Muwaadiniinta  biyaha caagadaha ku jira ka Ganacsada.

 

Dooda ganacsatadu waxay tahay in cashuurtan lagu kordhiyay biyaha ka yimaada Warshadaha gobolada Togdheer,Saaxil iyo Awdal  inay tahay cashuur qaali ah oo aanay Qaadi Karin Tusaale ahaan  Baabuurta ka timaada gobolada warshaduhu ku yaalaan ee Hargaysa yimaada waxay cashuur ahaan u bixin jireen 65000 oo SLSHILIN ah oo ay Dawladda Hoose ee Hargaysa ka qaadi jirtay, Gaadhigiiba oo xaqul xashiish ah.

Cashuurta Cusub ee Dawlada Hoose ee Hargaysi ku soo rogtay ayaa ah (in Halkii Kartoon ee Biyo ahi Laga qaadayo 1000 shilin oo cashuur ah laguna dhufanayo inta kartoon ee Gaadhigu sido, lacag ahaan gaadhaysa ama kabadan 1000,000 somaliland shilin ah), taas oo faraq wayni u dhaxaynayo cashuurtii hore iyo tan cusub, Cashuurtan cusubi waxay gaar u tahay Biyaha ka yimaada goboladda kale ee dalka kuma jiraan warshadaha hargaysa biyaha caagadaha ka soo saara!!!!!.

Hadaba su,aashu waa Golaha Deegaan ee Degmo Awood ma u leeyihiin inay cashuur dib u habeeyaan?

Golaha Deegaanka way samayn karaan dib u habaynta cashuuraha laakiin waa in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha jsl ayaa ansixinaya ama diidaya isla markaasna  Wareegto ku soo saaraya ansixinta cashuurtaa ay Golaha Deegaan ee Degmo kordhiyeen sidaasna waxa dhigaya ama jideeyaya Qodobka 85aad ee xeerka ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka ee xeer Lr 23/2002 degmada laga leh Gole deegaan oo la doortay (( Goleyaal Deegaan oo ah madasha xeer dejinta u gaarka ah, isla markaan laga duulayo hoos u daadajinta Maamulka “Decentralization” waxay u madax banaanyihiin dejinta Tacriifada Khidmadaha u gaarka ah oo ku salaysan

Qiimeyn)).

.

Dhinaca kale warshadaha biyaha soo saaraa goboladda ay ku yaalaan Ma cashuuraan? haday jawaabtu tahay Haa waa maxay cashuurtan kale ee Golaha deegaan hargaysi ay ka doonayaan ilayn halkoodii ayaa lagu cashuuraye, dawlada hoose ee Hargaysi cashuurta ay rabtaa miyaanay ahayn Xaqul Xashiis kaliya taasna ay hore u bixin jireen Ganacsatadda biyuhu, halkaasi ayaa u baahan in xog-dheeraad ah laga hello inkastoo ay jirto in warshalada dalka wixii ay la soo dagayaan inaan cashuur laga qaadin.

Wax kale oo is waydiin muddan Dawlada Hoose ee Hargaysi waxay xaq u leedahay inay qaado cashuurta wax kala iibsiga dadwaynaha (Sales Tax)?  sida ku cad QODOBKA 84’aad  farqadiisa 3aad , oo Guud ahaan ka hadla MAAMULKA IYO XISAABAADKA GOLAHA DAKHLIGA xeer 23/202   jawaabta waxaanu u daynaynaa Golaha Deegaanka ee Degmadda Hargaysa, cashuuraha kale ee aanay dawladaha hoose qaadin wax ka mid ah ,  Ganaaxyada ay Maxkamaduhu qabtaan  oo farqada 7aad isla Qodobkan 84aad, sidoo kale noocayadda cashuuraha ee dawladaha hoose wax lagu qeexay Qodobka 86aad ee xeer lr 23/2002.

 

 

 

 

 

Hadaba marka cashuur laga hadlyo wax sideedaba ka hadla Dastuurka jsl qodobkiisa  14aad oo u dhigan sidan.

QODOBKA 14AAD

CASHUURAHA, TAKAALIIFTA & RIBADA

  1. Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo.

 

  1. Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya.
  2. Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

 

Sidaas darted

  • cashuurtan ay Golaha deegaanka ee degmada Hargaysi ku waajibisay ma loo eegay danta iyo maslaxadda bulshada??
  • Wasiirka arimaha Guduhu ma xalin kari waayay murankan ganacsatadan biyaha ka keena goboladda iyo Dawlada hoose ee hargaysi dhex yaala?

Miyaya waafaqsan tahay talabadan cashuurta lagu kordhiyay Biyaha Caagadaha ee xukuumadda  dhexe iyo Dawlada hoose ee Degmadda hargaysi  ay qaadeen waa haduu wasiirka wasaaradda arimaha guduhu wareegto ku ansixiyay cashuurtaasi kor ku xusani Dastuurka jsl???   Qodobkiisa 54aad oo u dhigan sidan.

 

QODOBKA 54AAD

Awoodda Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay

gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo socda:-

 

  1. Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor Ioogu qaadayo dakhliga.

 

  1. Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer ayaa nidaaminaya.

 

  1. In Ia daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo kuwa kale oo leh qumo dammaanadeed.
  2. Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.

 

Isku soo wadda xooriyoo waxaanu ku talin lahayn in Gudidda arimaha Gudaha ee Golaha wakiiladda iyo wasaaradda arimaha Guduhu isla fadhiistaan arintan meel saaraan oo xal u helaan iyagoo eegaya cabashadda ganacsatadda biyahu ay ka qabaan cashuurtan lagu kordhiyay, isla markaasna qiimaynaya Awoodaha xeerku siiyay Golaha deegaanka.

NB isticmaalka erayga ah Golaha Deegaanka ee Degmadda Hargaysa igama aha Nacayb aan u qabo Mudanyaasha imika jooga balse waa luuqada sharci, Golaha deegaanka ee caasimadda hargaysa wax loogu yeedhi doonaa Golaha La Doorto Marka Xeerka Caasimadda Hargaysa La ansixiyo, imika waa Degmo Darjada A oo ku meel gaadh ah.

 

Garyaqaan Hussein Mohamed Jama

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso