Xaflad heer sare ah oo lagusoo gabagabay nayay Tafsiirka Quraanka kariimka ah ayaa waxaa lagu qabtay Machadka Sare ee Ducaadda oo ku yaala Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xaflad heer sare ah oo lagusoo gabagabay nayay Tafsiirka Quraanka kariimka ah ayaa waxaa lagu qabtay Machadka Sare ee Ducaadda oo ku yaala Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Xafladaani ayaa waxaa kasoo qayb galay Culimada ugu waaweyn Geyiga Soomaalidu Degto uguna horeeya Shiikha weyn ee Muxadithka ah Sh.Cabdulaahi Cali Geele, iyo Sh.Cismaan Cali Xusayn oo ah Shiikha Tafsiirka u dhameeyay Ardayda, waxaa kale oo kasoo qayb galay Maamulaha Machadka Sh.Maxamed Ibraahim Jaamac iyo Ardayda Machadka oo iyaguna dhameeyay Tafsiirka.

Xaflada ayaa waxaa furay Cabdirazaaq Yaasiin Sulaymaan kadib waxaa warbixin kooban ka jeediyay Maxamed Xuseen Axmed (AFCAD) oo hormuud u ahaa Qaban qaabiyaasha Xaflada waxaana uu ka sheekeeyay Xiligii Tafsiirku uu bilowday iyo xiligii uu dhamaaday waxaana ay kala ahaayen: 14-safar-1437 hijiri oo waafaqsanayd 27-11-2015 miilaadi waxaana uu dhamaaday saaka oo Taariikhdu tahay 12-jaamudl uula-1438 hijir ahna 09-02-2017 miilaadi. Waana sanad iyo 3 bilood oo laba bari la’ ama sanad iyo 2 bilood iyo 13 bari.

Sidoo kale waxaa munaasadaba ha hadlay Burhaan Cali guray oo Magaca Ardayda ku hadlay waxaana uu sheegay inay aad uga faaidaysteen shiikha ayna u mahadcelinayaa hadeer iyo hadhowna ay shiikha ka faaidaysan doonaan.

Sh.Maxamed Ibraahim Maamulaha Machadka ayaa waxaa uu Mahadcelin usoo jeediyay Labada Shiikh ee kala ah Sh.C.laahi Cali Geele iyo Sh.Cismaan Cali Xuseen oo Wakhtigeeda soo horay si ay Ardayda ugu faaideeyana waxaana uu Dardaarmay in Culimada laga faaidaysto isaga oo intaasi ku daray in Ardayda Machadku ay in ka badan inta ay machadka ku qaataan ay ka dhagaystaan Cajalada Kutubtana ay ka akhriyaan.

Sh.C.laahi Cali Geele oo isaguna Munaasabada kalmad ka jeediyay ayaa wuxuu sheegay in Ardayda Machadku ay haystaan Fursad qaali ah oo hada kor aanan u suura galin Qof daalibi cilmi ah waana in Aasaasiyaatkii Nolosha ay u dhamaystiran yihiin Culimadiina ay mar walba helayaan, waxaana uu dardaarmay Shiikhu in laga faaidaysto Wakhtiga oo laba sano 10 sano faaidadeed laga dhigo, Ikhlaaskana lagu dadaalo.

Sh.Cismaan Cali Xuseen ayaa waxaa uu gaba gabadii Xaflada waxaa uu sheegay in Soomaalidu aysan Aqoon Culimadooda aysanna ka faaidaysan isagoo Tusaale usoo qaatay Shiikh Cabdulaahi Cali Geele oo ah Caalim Soomaaliyeed oo dhan Xadiithka iyo Culuumtiisa Bad ku ah, waxaana uu shiikhu Dardaarmay in laga faaidaysto Shiikha isaga oo Ardaydii Tafsiirka dhamaysayna u ijaaseeyay Tafsiirka Quraanka kariimka.

Waxaa Xusid mudan in Shiikh Cismaan uu Ardayda u Akhriyay Tafsiirka Quraanka ilaa Nisaa oo si toos ah ay uga qaadeen inta kalana, waxaa ay uga qaateen Daah gadaashiis oo Cajaladaha uu duubay ayay ka faaidayseen.

Gaba gabadii ayaa Ardaydu waxaa ay Shiikha Gudoonsiiyeen Shaaho Sharaf iyo Hadiyad Qiima badan oo ay Shiikha ku karaamaynayaan waxaana Xafladu ay kusoo gaba gabowday Jawi farxadeed oo aah u qurux badan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso