safarka Aakhiro (waa hayaanka ama safarka loogu jirro aakhiro_)

Bani’aadamka oo dhami waxay ku jiraan socdaal ama safar dheer, safarkaas oo ah meesha aan ku socono iyo hoygii rasmiga ahaa oo wali inoo laaban, bina’aadamka illaahay wuxu ka abuuray dhoobo taas oo rabbi Aadam ka abuuray,  xaawo oo xaaskii Nabi Aadam(scw) ahydna uu ka abuuray feedhiisa, kullanka  aadam iyo xaawo ama isu tagooda ayaa bina’aadamkuna ka farcamay. Sida uu illaahay ku xusay suuratul mu’munuun oo lahaa;

  1. لَقَدْ خَلَقْنَا الإِنسَانَ مِن سُلالَةٍ مِّن طِينٍ
  2. ثُمَّ جَعَلْنَاهُ نُطْفَةً فِي قَرَارٍ مَّكِينٍ
  3. ثُمَّ خَلَقْنَا النُّطْفَةَ عَلَقَةً فَخَلَقْنَا الْعَلَقَةَ مُضْغَةً فَخَلَقْنَا الْمُضْغَةَ عِظَامًا فَكَسَوْنَا الْعِظَامَ لَحْمًا ثُمَّ أَنشَأْنَاهُ خَلْقًا آخَرَ فَتَبَارَكَ اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ
  4. ثُمَّ إِنَّكُمْ بَعْدَ ذَلِكَ لَمَيِّتُونَ
  5. ثُمَّ إِنَّكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ تُبْعَثُونَ

Illaahy wuxu yidhi:(‘Iinsaankaanu  abuuray oo waxaanu ka abuuray qayb lasoo xullay oo dhoobada ka midda, kadib ibna’aadamkii waxaanu ka dhignay qayb mini ah oo ku sugan meel la’ilaaliyey, dhibicdii maniga ahyd ayaa laga shaqeeyey waxay isu badashay xinjir dhiiga, xinjirtii dhiiga ahyd ayaa haddana laga shaqeeyey waxay noqotay was-lad yaroo hilib, haddana  cadakaa hilibka ayaa ka abuuray lafo, lafahii markii aanu samay waxaanu huwinay oo dusha ka saaray hilib, intaa ka dib bina’aamdkii waxu is badalay khalqi kale, illahaa sidaa u sor gooyey oo sidaa u abuuray ayuu khayrkiisu badatay . intaa ka bacdi wuxu illaahay leeyahay wakhtigiina markaad qaadataan laydin ku tallo galay waxaa tihiin kuwo dhimanya, kadibna maalinta qiyaamahaa ayaa qubuurtiina iyo meeshaad ku jirtaan waa laydin soo saarayaa’).

Illaahay wuxu dunida keenay bina’aamka oo dunida uga dhigay  qaar camira, kuna dhex arsaaqay , bina’aamku wuxu maraa marxallado badan oo kalla duwan inta uu dunida  ama daarta aduunyada joogana waa mid safar ku ah dul joogeeda oo duniduba way cimri gaabantahay , marka uu dhamaysto wakhtigan uu qoray rabbi in nooladana waa uu ii dhimanyaa, ama cimrigu hakuu dheeraado , ama hakuu gaabnaado waad ku xukumantay , ilaahayna waa xigogaal waxa kastood wado iyo meel kastoo ku jirtaba rabbigaa waa ogyahay halkaasna waa kuugu imanyaa mawdku oo ma noqon doontid mid ka qarsoon Malaga rabbi kuu soo diray.

Xilliga geerida

Qofkastoo bina’aadamii wuxu galayaa safar kalla guur oo duni laga guurayo oo aakhiro loogu guurayo, waa geedi iyo hayaan aynu u wada socono dhamaanteen sidii uu Rasuulkeniii lahaa(NNKH);

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ:

((أَخَذَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِمَنْكِبِي فَقَالَ كُنْ فِي الدُّنْيَا كَأَنَّكَ غَرِيبٌ أَوْ عَابِرُ سَبِيلٍ وَكَانَ ابْنُ عُمَرَ يَقُولُ إِذَا أَمْسَيْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الصَّبَاحَ وَإِذَا أَصْبَحْتَ فَلَا تَنْتَظِرْ الْمَسَاءَ وَخُذْ مِنْ صِحَّتِكَ لِمَرَضِكَ وَمِنْ حَيَاتِكَ لِمَوْتِكَ))

‘ku ahaw dunida mid qariiba oo safar ku ah, ama  wadada maraya’ .

‘hadduu gabalku kuu dhaco ha sugin in uu waagu kuu baryo, haduu kuu baryona ha sugin uu gabalku kuu dhaco, ka qaado  caafimaadka intaad  xanuusatay nolosha, waayo xanuunkaba ajarbaa ku jira’

Hadda qofkasta oo bina’aadamii wuu ku qasban yahay in uu ogaado in ay dunidani tahay mid loogu tallo galay in mid lagu beerto oo loogu shaqaysto waxad barri cuni lahayd,  dunidani waa dheel-dheel waa dhalaal la rabbo in aanad isku ilaabin. Safarkaaga aad  ugu hayaami doonto hoygaagii aad adigu xaqa u lahyd, ma garanaysid saacada, daqiiqada, bisha, iyo maalinta aad bixi doonto, waxadse ogtahay uun in aad baxysid,  mase is waydiisay maxaad u raaci gurigaaga toloow ma gaadhi, mise diyaarad, mise lug ayaad ku tagi?, kollay aragnay dadyaw badan oo inaga horeeyey iyo waxay ka raaceeen dagmadan aynu ku dul noolnay.

Wuu xadidanyahy wakhtigaad haysataa, maalinba maalinta ka danbaysa waxaad usii dhawaanaynaa mawdkii iyo gurigaagii xaqa ahaa, marka uu  yimaado kaadhka casuumaadii aad sugaysay waxaad raacaysaa gaadhi si dhakhso ah, iyada oon laga aqbalayn wax cuduur daara ama cabasho ah , taas oon wax is badala ku samynayn ballankii ku qornaa warqadii safarka. Macno ma samaynayso in aad diyaar garawday iyo In kale, waad baxaysaa marxalladaad doonto adoo ku suganaw oo . il-bidhiqsi walba waxy goorsheegtu u sii dhawaanaysaa xilligii aad bixi lahayd, hadana adigu ma ogid inta laguu soo jirro.  Hase yeeshee markasta safarku waa mid murugo iyo xanuun badan waayo waxaad galaysaa hayaan iyo socdaal dheer oo aan soo noqosho lahayn, walliba adiga oon macasalaamayn dadkii aad dunida ugu  jeclayd, fullina ballan qaadyo badan ood qaaday iyo hawlo badan oo kuu qabyo ahaa. Waxaad arkay saa uun adoo saran gaadhigii ku gayn lahaa gurigaagii iyo meeshii aanad kasoo laabanyn, malaha albaab iyo daaqado, majirro rakaab aad fariin u farrto dadkii aad jeclayd.

Casuumadan aad u baxday waxay kaaga timi xaga rabbigaa fullin mooyee baaqasho maleh, safarkani wuxu ka dhawyahy kana dag-dag badanyahy safar kastoo la gallo ha dhawaado ama ha dheeraado, gaadiidka aad raacaysaana waa mid aan la xawaare iyo dag-dag ahyn gadiida kale.

Xusuusin;

Adiggu ma ogid da’ada rabbi kuugu tallo galay in uu kaa qaado nafta, geeridu  maleh yari iyo wayni toona, malakul mawdku ma eego waa la jecelyahy oo hooyaa kaligii\kalligeed dhashay, ama waa dib jir oo waa la karaahistaa, malakul mawdku wuxu ku hayaa xil rabbi u igmaday qabashadiisa mana jirro aduunyada gabi ahaanba wax ka hor istaagi kara marka laguu soo dirro. Waxaa lagaa yaaba in uu shaydaanku ku majaro habaabiyo oo ku yidhaa waad yartay, hadhawbaad diyaar garoobi naftuna way ku farxdaa, lakin cid kasta shaydaanku waa ku yidhaahdaa ee haka yeellin, U sahay qado xaga aakhiro, u diyaar ahaw markasta iyo meel kastood joogto safar iyo hayaan dheer oo aan soo noqosho lahyn.

Waakii lahaa abwaan salleebaan caraby ;

‘Caddad(tirro) maleh rijaaladan  intay callal ku duubeene

Oo ay meel caabaar loo qod-qoday kaga caraabeene

Oo camalka mooyee qabriga cidna uga yeedhaynin’

WQ: istaahil duale

Gmail : Istaahil042@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso