Kordhin dambe oo Guurtidu ku sameeyaan doorashada Madaxtooyadda Somaliland waa dhib iyo dhiillo ku maqan Somaliland.

Taariikh: 04/02/2017

Tixraac:  SSE/DK 054/04022017 

Kordhin dambe oo Guurtidu ku sameeyaan doorashada Madaxtooyadda Somaliland waa dhib iyo dhiillo ku maqan Somaliland.

 

Saddexda Xisbi Qaran ee ku tartamaya doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ay wehelinayaan Guddiga Doorashooyinka iyo weliba Madaxweynaha Somaliland ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib soo saaray heshiis rasmiya oo dib loogu riixay doorashadii dhici lahayd 28ka Maaris ee sannadkan oo dib loo dhigey ilaa 10.10.2017. Dib-u-dhiga doorashada ayaa lagu sababeeyay xaalada abaareed ee ka taagan dalka oo ah mid aad u baahsan. In dib loo dhigo doorashada ayaa loo arkayay mid dan u ah dadka reer Somaliland ee ay saamaysay abaartu si markaa loogu guntado sidii loo kaalmeyn lahaa.

 

Golaha Guurtida iyo waxa la gudboon

Dhaliilaha iyo ceebaha ugu waaweyn ee ku suntan doorashooyinkeena, badanaa waxay ka yimaadaan dhinaca Golaha Guurtida. Golaha oo shaqada iyo waajibaadka saarani uu yahay mid aad u balaadhan ayaa waxay hawshoodii ku soo ururtey dib-u-dhiga wakhtiyada loo cayimayo doorashooyinka.

Banii’aadamka adduunkan maanta hoggaaminayaa waxay ku horumareen iyagoo wax ka barta khaladaadka iyo dhibaatooyinka hore ula soo darsay. Si khaladkaasi aanu mar-dambe u soo noqon ayaa ay la yimaadan xal iyo qorshayaal tilmaame u noqda in aan si naba loogu dhicin dhib ama khalad hore la soo maray. Somaliland doorashooyinkeeda waxa ku soo noqnoqda Guurtida iyo dib-u-dhiga wakhtiga doorashooyinka. Dallada SSE waxay dareen xooggan ay la wadaagaysaa Golaha Guurtida, kaasoo ah inay ceeb iyo karaamo daro inoogu filantahay doorashadan aynu dib u dhignay ilaa Oktoobar 2017(ka). Dareenka banii’aadnimo iyo dadkeena ku tabaalaysan abaaraha ayaa sabab u noqdey dib u dhigan oo cidna lagu canaananmaayo, laakiin haddalada ka soo yeedhaya qaar ka mida xubnaha Golaha Guurtida ayaa u muuqda in aanay waxba ka baran khaladaadka ay hore u geli jireen ee la xidhiidh dib-u-dhiga wakhtiga doorashada.

Ogow xaalada doorashada ee lagu beegay bisha Maaris 2017(ka) ee hadda laga guurey waxa sabab u ahaa Golaha Guurtida oo si badheedh ah u jabiyey wixii ay ku heshiiyeen saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga doorashooyinka sannadkii laga soo gudbey. Golaha Guurtidu iyaga oo awood sheeganaya ayay ku dareen dhowr bilood oo aan loo baahneyn oo ay weliba ku beegeen wakhti jiilaal ah. Guurtidu waa inay cashar iyo waayo aragnimo ka qaataan khaladaadka iyo gefafka ay ka galeen nidaamka fur-furnaanta doorashooyinka ee ay Somaliland qaadatay. Guurtidu waa in aanay qalin daarin fahanka iyo wadashaqeynta ay isla gaadheen saddex Xisbi Qaran eek u tartamaya doorashada Madaxtooyada. Talada iyo heshiiska ay maanta isla qaateen saddexda Xisbi Qaran, Guddiga Doorashooyinka iyo Madaxweynaha waa in sideeda ay Golaha Guurtidu ku ixtiraamaan oo ay qadariyaan karaamada iyo xushmada dalka iyo dadka reer Somaliland.

 

Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi Qaran

 

Dallada SSE waxa ay idinkula dardaarmaynaa inaad u mideysnaataan in doorashadaasi aanay markale dib-u-dhicin isla markaana aad ka wada shaqeysaan dhammaan arrimaha u baahan in la dhammaystiro inta ka horreysa wakhtiga loo qabtay doorashada ee bisha Oktoobar. Maalintii lagu heshiiyay wakhtiga doorashada ayaad moodaa in la inagu muday irbad suuxdin ah oo waxay u eegtahay in la himaamay abaartii. Wada-shaqeyn ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ku tabaalaysan ayaanu idinka rajaynaynaa. Ilaa hadda ma muuqato dhaqdhaqaaq iyo Gurmad mideysan oo ilaa heer Qaran ah.  Waa duruuf u baahan in waddanka la geliyo xaalad degdeg ah sidii dadkaa loogu gurman lahaa. Ilaahay ayaan deeqdiisa u baryaynaa inuu dadkaa dhibaataysan u gargaaro.

 

Doorashooyinka aynu dib u dhigeyno iyo aragtida beesha caalamka

Waynu isla ognahay in masiirka iyo mustaqbalka Somaliland aayo ka talintiisa aynu inagu u madax banaanahay isla markaana uu yahay mas’uuliyadeena koowaad, laakiin tan iyo intii aynu la soo noqonay Qaranimada Somaliland waxa aynu taageero maadiya iyo mid macnawiyaba aynu ka helaynay waddamada caalamka qaar ka mid ah. Kuwaas waxaynu ugu yeedhaa saaxiibada ama daneeyayaasha Somaliland. Xaqiiqdu waxay tahay adduunkan maanta lagu noolyahay in aanu waddana ka maarmin xulafo iyo cid uu la macaamilo iyada oo ay weliba inoo dheertahay dedaalka aynu ugu jirno in la ina aqoonsado. Waa nasiib daro in qaar ka mid ah mas’uuliyeenteena Qaranku ay si badheedh ah aflagaado iyo weerar dhinaca afka ah ay kula dul kufaan saaxiibada Somaliland. Dallada SSE waxay rumaysantahay in haddalada noocaasi aanay meeli uga banaanayn diblamaasiyadda iyo qaabka siyaasadeed ee loo baahanyahay inaynu kula dhaqano beesha caalamka inta aynu is-garabsano oo ay waajib inagu tahay in si togan loola dareen wadaago waxyaabaha dantu inagu khasabtay ee aan la dhaafi karin. Dawlad ahaan waa inagu waajib in baaqa ka soo yeedhay adduunka aan si cid oo leh hab-maamuuskeeda oo sabaybaysan looga jawaab celiyo. Waa in laga waantoobo cayda iyo af-lagaadada qaar ka mid ah mas’uuliyeenteena Qaranku ay TV yadeena uga mariyaan beesha caalamka. Ilaa hadda ma ogin saameynta ay inagu yeelanaysao dib-u-dhigan u dambeeyay, laakiin adduunku maanta waa is-qancin, xodxodasho iyo xidhiidhin ku wajahan wadashaqeyn iyo macaamil hufnaan iyo kalsooni ku salaysan.

 

Shicibka Somaliland

 

Qaybaha bulshada Somaliland waa muhiim inay fiiro gaar u yeeshaan dhammaan arrimaha culsus ee dalka hadda wajahayo, hadday tahay abaarta baahday, sicir-bararka iyo nolosha iyo ta doorashooyinka ee baaqani la xidhiidho. Door muhiim ah ayaad kaga jirtaan inaad muujisaan una mideysnaataan waxyaabaha aasaasiga ah ee danta u ah dalka iyo dadka reer Somaliland. Waxa aynu ku jirnaa xaalad u baahan in sida ul iyo diirkeed loo mideysnaado si wax looga qabto arrimaha inagu soo fool leh. Guud ahaan waxa naga dardaaran ah in aan marnaba la oggolaan Guurtida oo ku dhaqqaaqda sidii caadada u ahayd iska kordhin iyo dib-u- riixid doorasho dhaafsan wakhtigii lagu heshiiyay.

 

 doorasho sidii caadada u ahaan jirtey.

 

Guul iyo gobanimo ayaynu rajaynaynaa dhammaan dadka reer.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

00 45 25 53 93 15

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso