Adeega Zaad Waa Dan-Yar Kaab

Adeega zaad-service waa adeeg Gurmad ugu jira inta ugu baahan markastana  siiya gar-gaar ibnu aadanimo cidkasta oo baahan ama u baahan.
waa adeeg loogu magac daray kaga farxiye kaas oo cidkasta oo baahi deg-degi hayso u qabta adeeg kaga farxiye la idhaa.
imisa bus u baahan ayuu caawiyay
imisa aan biyo-iyo baadba haysan ayuu kaga farxiyay
imisa cidlo iyo go’doon ku jira ayuu caawiyay
imisa madaw marayay ayuu u badbaadiyay hantidii
imisa abaaro hayso ayuu gurmad u galay
imisa baahan ayaa lagu caawiyay
imisa ay ka luntay ayaa ku kaydsaday
imisa ayuu wakhti u ilaaliyay
imisa jeer ayay warbaahinta caalamku amaaneen.

adduunku wuxuu ku horumaray in dawladkastaaba adeegeeda iib iyo suuq geyn ku samayso laakin maanta adeegii inagaa cadaw ku noqotay.
Caalamka wax iska yimid ma jiraan waxkastaaba waxay ku yimaadaan fikir, dadaal iyo karti dabadeedna waa la horumariyaa adeega zaad wuxuu ahaa adeeg aynu caalamku kula tar-tamaynay kaas oo indhaha caalamku ina soo eegayeen markastana ay diyaar u ahaayeen inay inagu daydaan.
Mr bilgate ayaa ku maanay Shirkadda Telesom iyo somaliland ba dadaalka ay kaga jiraan technologiyadda Mobile money transfer iyo horumarkeeda.
Adeega zaad abaalkiisu wuxuu ahaa inaynu iib-geyno oo aynu aqoonsi iyo magac ku raadsano waayo waa hanti ay somaliland leedahay sharaftiisa iyo magaciisaba.

Adeega zaad iyo adeeg kasta oo aynu abuurano wuxuu u baahan yahay inaynu horumarino oo aynu caalamka u iibgeysano si aynu u helno magac , inagoo ku soo bandhigayna bandhigyadda technologiyadda ee caalamka.

Sixir bararka waddanka ka jira waxa sabab u ah 8 qodob.

1. iibka Qaadka oo qaata lacagta ugu baddan ee dalka ka baxda.
2. Xoolihii oo istaagay lana joojiyay
3. Isticmaalka joogtadda ah ee dollar iyo hoos u dhigista lacagta Land ta ah ee aynu lahayn.
4. Waddanka oo 95% dibbada wax uga soo degaan waa maceeshadee.
5. Waddanka oo aan lahayn wax-soosaar iyo beerashaba.
6. Ganacsatadda oo aan qiime fadhiya waxba ku iibin.
7. Dawladda oo aan gacanta ku hayn sarifka lacagaha
8. Lacagta waddanka ka baxaysa oo xadka dhaaftay.

Farhan Mohamed Hassan  (Rakad)

Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: +063-4400319

Advertisement

Ku Xayeysiiso