articles | wararka | qormooyin khaas ah
Video

Gabayo

Posted by Togaherer Team at September 19th, 2009

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarkaatu.

Waxay maansadani Alifay Abdihukun Ali Handulle, kadib markii ay waxyeeleeyeen roobabkii duufaanta watay magaala madaxda dalka Somaliland ee Hargeisa. Kadib ay is-xilaaqmeen xubnaha ku bahoobay ururka Gaaroodi sidii ay ugu gurman lahaayeen kaalmana uga geysan lahaayeen taageerada dadka ay dhibaatadu ka soo gaadhay. Waxay la magac baxday Maansadani Kanada oo sababta magacu ay tahay taageerada badideedu ka timi xubnaha ku nool dalkaa ay la magaca noqotay, waxaanay soo baxday May 2, 2010, waxay tidhi sugaantan hoos ku qoran:

Kawnku qaaya weynee
Kanadaa ku taalee
koox aayatiinloo
kaahin ugu horeeyiyo
hassanoon kaftamaheyn
iyo geesigii kirix
Aabi koodhka soo xidhay
koolka laysu tebiyoo
kalkaaliye lawada noqey
fariin kawinayoo
dadka soo kicinayee
kartiyo dadaalbaa
rag ku kala horeeyaa
bal kaskooda ila dhowr
kaalmadooda ila eeg
raga koobka qaatee
karaameysan ila garo
aan kuu kor xaadshee
Naasirow kalgacalkii
adigaa kasbadayoo
waanu kugu kalsoonahay
kunna waa u dhigantaa
rabbibaa ku kaalmeyn
halkaad kuumi gelisana
barakada ku kabiyoo
kordhindoona maalkaa
waa keyd qiyaamaha
kuus adiga kuu yaala
kufka aynigaagiyo
kuwaad wada korteenbaad
karintaa ku dhaaftoo
adaa kooshinkii helay
afartaa karbaa dhacay
ani waa karaankey
warka waan kamilayaa
afar kale bal faalee

kadeedkiyo dhibaatada
masiibada la kulankeed
kaltanweeye soo dhaxa
kaabigey ku negidahay
hadba qolay kulaashaa
maantana kanaa dumin
ayey kiiskey ku oogtaa
ninba waa kolkiisee
roobki kaaha waabari
karintaan degeyniyo
keymaha rigaaxee
dabeylaha kankoonsani
jiingadaa kalwinayeen
daadki kaabadiyo
kabiskiyo gidaarada
koonayaasha kala baxay
kala kuray guryaa badi
kobtii ay ku yaaleen
miyaad kaabad dhagaxiyo
ciid kuusan moodaa
kan ka nooli waa dane
imisay ka kow tidhi
imisaa kuraamaha
kalxantaasi jaban tahay
manaashee la kabayaa
imisaan kacaynoo
kuududa halkii weli
imisaa kiniin cuna
kurbo iyo xanuun qaba
keyse loo adeegaa
imisaa kufoo kacay
maantana kabaa xidhan
afartaa karbaa dhacay
ani waa karaankey
warka waan kamilayaa
afar kale bal faalee

ma kacshaa gantaalaha
keebka gacan ma saaraa
kiisaskii ma baadhaa
kabashkabashta oradkii
raga aan kabuubyoon
jidhiidhico korkood marin
kaashigiyo daryeelkii
kohanwaayey deeqdii
kobicintii dhaqaalaha
tolka ay ka kalataal
kontonkaa bal gaadhsii
kolay kimis ku quutaan
kori waa dadkaagee
kashka laabta aan gelin
maantaan kashifayaa
ma ogtahay kaslaawoow
kaaftoonka aad tahay
kibirbuu u eeg yahay
kabo laasanmeyside
caanaha karuurka aha
kuruskiyo cadkaba hoow
adaa keli u baahane
dhibanaha karaankood
kaalmada wanaageed
kormeerkana waxqabadkiis
kureydii nasiibkood
kurbo waalidbaa qaba
kadab ugu horeeyiyo
kooxdi dawladaa timi
hawlaha badh soo kabe
kulimiyaa kadaba yimi
kaash lacaga buu huray
sumadii kabaalkee
korka iga taaliyo
kur-madoo wankii ucid
yaa u diiday kadimada
kaambeynka lagu galo
kaltanbaa la sugayaa
keyd hadaan ahaa shalay
kuu galay kitaabada
kalsoonina ku siin jiray
karbaash lay karkariyo
aanan kebedna kaa helin
maanta waan kalahayaa
berri waa kashkaashkii
iyo kurada leynkee
kaadhkaan ku ciil-bixi.

Wa billaali Tawfiiq.

Abdihukun Ali Handulle.

————————————————————————————————————————————————————————————————————————–

Dhamaan salaam akhristayaasha togaherer iyo maamulkeedaba maansadan hoos u ku qoran oo la yidhaa “Dad iyo dooxato” ayaanjeclahay inaan dadwaynaha u gudbiyo. Runtii markii aan dad badan ka helay jawaabo iyadoo isla shalay ku soo baxday “TOGGAHERER” waxay noqotay inaan in yar fasiraada ku daro oon markii hore ka reebay. .Nuxurku wuxuu yahay iyadoo aanan cid gaara ku sheegaynin. DadKa hadii diintu ka lunto iyo damiirku waxay noqon karaan bahalo ka wada khatarsan kuwa la yaqaano. Waayo dugaaga dhamaan ka maskax badan dadkana dusha waa uga eegyiin hadii la dilo qudheeda dad bay noqdaan. Waxay soo baxday 18.10.2009

Dura iyo warkeedii, shalay haw danbaysee.

Arrimii la duugee, taariikhda lagu daray.

Duufaanka maantiyo, beri dallabka soo maqan.

Nina daabacooduu, akhriyaa dabaylaa.

Ninna waa durkoodee, ana doorkan maanta ah.

Godka iyo dalluumaha, dusha laga hadoodilay.

Sida loogu dallaq yidhi, aan diirad saaree

Hooyada dullaantee, ubadkii hal-deeqoow.

Dahrigeeda laga jaray, diif haysa awgeed.

Wad u day-dayaysee, laba daadahaysee.

Laba duudka saartee, afartiiba doon uu

Dukhulkeedu jabanyahay, danni ay ku tidhi saar.

Degelkay ku noolayd, kumay doorsateen meel.

Diin laga fogaadoo, dhaqankii la duuboo.

Lagu tiirshay dayrkoo, ay daayin abudkeed.

Ku dulsaar ahaatee, waxa keenay doolkiyo

Daalaadhacaa baddan, aan kuu dalliilshee.

Ducaqabe dalkeenii, ayaxii ku degay beri

Inkastoo mar laga diray, rabi daayin weeye

Dibna noogusoo celin, eelkuu daraacdii.

Kaga tegay dulleedkaa, dildilaacay maantoo.

Diirbaa ka dhalatoo, dhulkii daaq kumuu hadhin.

Iyo dallagi beeruhu

Marka roobku noo da’o, dhirtii midhaha daraygaa.

Lagasoo daldali jiray, cidi doonan waydoo.

Dadba hayga joogee, shinbirihi kumay dagin.

Waayahan dushiisoo, mas ku duuban baa jira

Dabacdii irmaanayd, waxa digada kula jira.

Bahal daamanwaynoo, labadii danbeediyo.

Danbarsada horaadada, darartiyo caanaha.

Nirgii daaban jirayiyo, dabadhoonki gaajood.

Afartaasi doogtiyo, daaaranta hoosiyo.

Halkay damqaayaan, cidna kama dahsoonee.

Waxa taa Hal-deeqoow, hada igaga sii darran

Danyarta iyo maatida, darka laga horjoogsaday.

Kayn lagu dabaaliyo, bal in doogsin loo helo.

Ku dul-noolayaashiyo, dulinka isu biirsaday.

Ee loogu dawgalay, markaan daawo laysiyo.

Sun intaan isugu darro, is idhaa ku dabar goo.

Anoo daawanaayoo, u diyaar garoobeey

Marsadaan digaaloow, geed diirka sare iyo.

Miciyaha dalqada iyo, kaga yaal dibnaa hore.

Ku badala daqiiqado, degdeg bay u yeeshaan.

Wajigii dadkoo kale, daymada labaad baa.

Maryo lagu damsiiyaa, u diyaarsanaa show.

Way danokabaanoo, qaarbaaba duub weyn.

durba madaxa ku hubsada

Anoo yaab i dillay baan, dib u joogsadaayoo.

Sheekada duxdeediyo, arrin wuxu ku daadegay.

Hadaan maan dabiibiyo, maskax hawsha lagu darin.

Indhuu way ku daalaan, dahabka iyo maartaba.

Kala dooradkoodee, inta aanad doolaal.

Dakanooyin baddaniyo, dayn adigu soo hooyn.

Dad sideed u kala garan, iyo dooxato u eeg?

C/laahi Sogob.

Sogob70@gmail.com

————————————————————————————————————–
Maansadan qiimaha badan ee Citiraaf Waxaa Curiyey oo ay Maskaxdiisa kasoo Maaxatay Abwaan Axmed C/laahi Maxamuud (Fartaag) oo wakhtigan Deggan Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Kollay Micnaha Iyo Ujeedadaba Waxaad ka dheehan kartaan Magaceeda, Gundhiggeedana waxaad kaga gayoon kartaan Akhriskeeda.

Anigoon Jeclayn inaan Tafaasiil kasii bixiyo, bal aan idiin kala baxo Abwaan Fartaag & Maansadiisa Citiraaf, Waxaanu ku bilaabay sidan:

Ciida farax ku qaabila
Citiraaf ma dheeree
Adigoo calool adag
Cusko samirka weeyaan
Codkiinuu sugayaa
Dawladnimadii curatee
Caawana hagaagaxin

Calan yahaw babanayaa
Caadilkeen ku barakee
Cadaankiyo madawga ba
Caalamkana ka noqo caan

Colku weeraraa yiyo
Cadaw gaagu kuma gano
Caadilkeen dhib kaa hay
Cudud iyo difaac qaran
Ciidan baanu haynaa
Haday ciil dareemaan
Cadhadana dagaalama
Cidkastaba u jilib dhigay

Ciideenu waa hodan
Cuudkoo inoo dhala
Cirka roob kasoo da ay
Cashuurtiisu nagu filan
Culumada quraankiyo
Caafimaadka laga helo
Cosobkiyo nimcada taal
Caanuu ka buuxaan
Caruur iyo ciroolaba
Nabad lagu caweeyoo
Cuqaashiyo garaadkuna
Iyagoo cumaamadan
Ciladaa bog siiyaan
Cudurkana daweeyaan

Ciyaaraha siyaasiga
Casarkii wuxuu yidhi
Cawaykuu dafirayaa
Cidna ugama dhaanshee
Ceelbuu qodaa dheer
Calcalaalis hilib iyo
Cankiisuu urooraa
Cadkiisuu karsanayaa
Cidna uma wanaagsana
INta uu colaad riday
Inta uu ciilada dhigay
Intuu cagaha gooyaa
Ciidaa ka fara badan

Siyaadkii caraabiyo
Cadaydiid halkuu maray
Cabdilaahi meermeer
Cabdiraxman tuur iyo
cigaal ciida hoos mare

Cidna looma reebine
Caawana Riyaalow
Ragbaa caanihii dhamay
Caruurtiyo haweenkii
Ceeshkaba ma gooyaan

Cajabeey cajiib weeye
Cadceeday fadhiistaan
Canab iyo canbaradaa
Lagu yidhi cashuurkeen
Cad haween ka beermiyo
Cudar kay dhaleenbaa
Ciida lagu xoreeyoo
Marka cadow la Riixaba
Col horlaa usoo gala
Cuna cuna uciil qaba
Cunahoodu waynyahay
Calooshoodu dheertahay
Caadaystay ceebaa
Cidna kama xishoodaan
Canaantay la yaabaan

Afrikaa cawaanoo
Calinkii la taagaba
Cabashaa agtaalee
Cabdiyow maxaa jira
Candhadoo la gooyiyo
Carab niriga laga jaray
Caynkee jaq loo yidhi
Caasi ruuxa laasimay
Ciqaab baa sugaayee
Cadaabaa ilaahay
Cawada haw qaadan
Caynkii fircoon iyo namruud
Cududada haw eersan

Dhammaad.

By: Abwaan Axmed C/laahi Maxamud (Fartaag)
E-mail: fartag_571@hotmail.com
Doha, Qatar.

—————————————————————————————————————————–

HAL ABUURKA HIRGALY IYO HABEENKII GABYAAYE

Madal Suugaaneed ay isugu yimaadeen dad weyne Faro badan oo isugu jiray Abwaano, Qalinley, Siyaasiyiin ka kala socotay Saddexda Xisbi Qaran, Arday iyo Marti sharaf faro badan oo Rag iyo Dumarba leh, ayaa Xalay Cawayskii ka dhacday Hoteelka la yidhaa Imperial ee Magaalada Hargeysa.

Cawayskan oo loogu magac daray Hal-abuurka Hirgalay, laguna Sharfayey ama lagu soo dhawaynayey Abwaan kamida hormoodka Wakhtigan ee dhanka Suugaanta, ayaa waxaa soo qaban qaabiy Ururka Hal-abuurka Somaliland oo ay ku midoobeen badi Abwaanda Facan ee ku kala nool Dacalada Dunida.

Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah ay usoo agaasimeen Wakiilada halkan u jooga Ururka Hal-abuurka Somaliland C/razaaq-Maayo iyo Saciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), ayaa waxaa ka mid ahaa Waxyaabihii lagu soo bandhigay Maansooyin aad u qiimo badan, Sheekooyin Guurka ku saabsan, iyo Waliba Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka oo ay kooxda SOCSA halkaasi ka cayaareen indhaha Dadkana aad usoo jiitay.

Abwaan Saciid Maxamuud Gahayr oo ahaa Xidhiidhiyaha Barnaamijka ayaa ugu horreyn halkaasi kusoo dhaweeyey Wakiilka Ururka Abwaan Cabdirazaaq-maayo. Waxaanu Maayo si kooban uga warbixiyey Wax qabadka iyo Himilooyinka Ururka, issagoo markii dambana Madasha  kusoo dhaweeyey Abwaanka Loo asteeyey Habeenkan oo ahaa Abwaan Maxamuud Sh.C/laahi-Maaray (Gabyaaye).

Abwaan Maxamuud-Gabyaaye ayaa ugu horeyn u mahadceliyey dhammaan kasoo qaybgalayaashii iyo waliba Ciddii Agaasinka iyo isu duba ridka Hawshan lahayd, Waxaanu Abwaanku wakhtigoo Cidhiidhiye awgii uu toos u gudo galay Mid kamida Maansooyinkiisa faraha badan, taasoo la yidhaa “ILACYALAY”, Sida uu sheegayna uu kaga qayb galay Silsilad la yidhaa AFTI-QAAD oo uu bud-dhige ka ahaa Guddoomiyaha Ururka HIDDA DHAWR Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib (Wadani).

Maansada “ILACYALAY” oo ka hadlaysa siduu Abwaankuba ka dhawaajiyey Muran-diineedka ka dhex jira Kooxaha Faraha badan, siiba kuwa Bannaysanayabuu yidhi Dhiigga Dadka Islaamka ah, Waxaana Erayada Jiiftadan Gabyaaye ka mid ahaa:
Aminsame wadaniyo HAL ABUURKA HIRGALY
Islaamnimadu waa tay
U qireen adoomuhu
Amni iyo inay tahay
Bulsho udulubkeediyo
Ubadka iyo maatida
Iyo inta ugu itaal daran
Ammintay u daran tahay
Adhax ay ku cayntaan
Oon lagu unuun jarin

Amuurahan dhacaayiyo
Aafaadka maalmahan
Awlaxa nin rimiyaa
Ajal qaybinaayeen
Wixii laga ajoon jiray
Loo aabbo yeelayn….

Maansadan oo ahayd mid dadka aad usoo jiidatay, aadna ugu sacabinayeen, ayaa waxa uu Abwaanku usoo bandhigay si farshaxanimo leh, issagoo kaga hadlay waxyaabo badan  aan Diin iyo Dadnmaba ku fiicnayn. Abwaanku Gabyaaye waxa uu ku wargaliyey dhammaan Hal-abuurka Somaliland kasoo qayb galka Silsilad Suugaaneed Cusub oo uu dhawaan Daah-furi doono Haddii Eebbe Idmo, taasoo siduu sheegay ka duwan Hilamadii Silsiladaha hore. Waxaanu wax yar ka ibo-bixiyey ujeedada iyo Bar-tilmaameedka Silsiladda, issagoo sheegay  inuu ku axadhayo Siyaasadda Dalka. Waxaanu ugu dambayn halkaasi kusoo gudbiyey Magaca Maansada Bud-dhiga u ah Silsiladdaasi oo uu ku sheegay RAAD-RAAC.

Qalinlaha Caanka ah ee qoray Buugaagta ay ka mid yihiin Sirta Guurka Barbaarsame iyo Nabaadiino Xassan Cabdi Madar oo isna ka mid ahaa Marti sharafta, ayaa hadal kooban ka jeediyey, waxanu  Mahad celinta guud iyo ta gaarba kadib uu si kooban uga warramayey Muhimadda uu Qoraalku u leeyahay Bulshadeena, issagoo tusaalooyin wax ku ooll ah soo qaatay.  waxaanu Qoraagu ku boorriyey Jiilka soo koraya  inaanay Suugaanta ka dhigan oo kaliya Madadaalo meel lagaga kaco,  laakiin ay Qoraan oo ay Kaydiyaan, Si buu yidhi aanay Taariikhdeena iyo Afkeenuba u Hallaabin.

Waxa iyaguna Madashaasi ka hadlay Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin ka kala tirsan Saddexda Xisbi Qaran, waxaana ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Sheekh Maxamed, Guddoomiyaha Waqooyiga Maraykanka ahna Xubin ka mida Golaha Fulinta ee Xisbiga UCID Eng Kayse Cali Geeddi, Iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ahna Mudane kasoo baxay Xisbiga KULMIYE  Cali Maxamed Xassan (Cali-mareexaan). Waxaanay Masuuliyiintaasi dhammaantoodba ay Carrabka ku dhufteen kana hadleen Qiimaha uu leeyahay Afkeena Hooyo iyo Suugaanteena Hodanka ah, Waxaanay ku boorriyeen Dhalinta wakhtigan inay Awoodda saaraan ilaalina Hiddaha iyo DHaqankeena Suuban, Garwaaqsadaana Lama huraanku inuu iyaga yahay.

Masuuliyiintan oo sida laga filan karaba Biyo Hoostood iska arkaya, ayaa midiba danahii Xisbigiisa uu hoosta ka dhiibtay, iyadoo Madashaasi ay isu duur xuleen, weerar Suluulxin iyo Weerar celis la mid ahina uu Madashaasi ku dhex maray Masuuliyiinta Labada Xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.

Abwaan Saciid Ibraahim Dool ( Saciid-Guray) oo ka mida Ururka Hidda Dhawr ayaa halkaasi ka jeediyey Maanso aad u qiiro badan oo la yidhaa Dhagaraha Jacaylka, taasoo ka hadlaysa ama uu kaga hadlayo Dhacdo Fool xun oo uu la kulamay, taasoo ahayd Ilmo yar oo uu ku arkay Dooxa Hargeysa iyadoo lagu soo tuuray Wakhti Wakhtiyada kamida. Waxa kale oo Abwaankani Carrabaabay Maamhmaah hirgashay oo ah “ Raggu waa Raggiisii, Rayina waa Ninkii hela”, taasoo dad badani is waydiin jireen Cidda Curisay ama heshay, waayo waxay Difaac u noqonaysaa Faca wakhtigan iyo Fankooda, waxayn Burinaysaa Maahmaah jirtay oo ahayd “ Raggu waa Raggii hore, hadalna waa intuu yidhi”

Daadihiyaha Barnaamijka Mr Hargeysaawi oo dadka aad uga qosliyey, Su’aalo Aqoon badani ku dheehantahayna halkaasi ka waydiinayey, ayaa Doorkan waxa uu Su’aal aad u qiimo badan oo dadku lasoo ruqaansadeen uu waydiiyey Mujaahidka Qoraaga weyn Boobe Yuusuf Ducaale, Su’aashaasoo ahayd Boobow Goormay kuugu darnayd?
Waxa uu Boobe tibaaxay in Ammintaasi ahayd wakhtigii halganka SNM , taasoo uu sheegay inay ahayd Goortii ugu darnayd, isagoo xusay in Nin kamida Mujaahidiintii uu ku toogan gaadhay Hal Sigaara oo uu u diiday.

Boobe Issagoo Ninkaasi galaafan gaadhay Naftiisa ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi oo hadaladiisii ka mid ahaa “ Nin toogtay Nin ayaa Maxkamad lasaarayey kaasi oo ahaa kii Bambada ila raadinayey, ayaa Subaxdii markuu toosay intuu galay Makhaayad yidhi Qureec  Beera isiiya, kii Makhaayadda haystayna waxuu yidhi wuu dhammaaday, dabeedna waxa uu yidhi sowka ka halkaa fadhiyaa Cunaya, Kaasaa ugu dambeeya Beer  ayuu Hudheelihii ugu jawaabay, Dabeed intuu Qorigiisii Afjeexa ahaa lasoo baxay ayuu dhafoorka ka toogtay, Markii la ii sheegay inuu ninkani yahay kii anna Xalay Bambada ila raadinayey ayaan Muraara dillaacay” intaasi markuu yidhi Boobe ayey Dadkii isku dareen Sawaxankii sacabka.

Kooxda Dhalinyarada Hiddaha iyo Dhaqanka ama aan idhaahdo Jiibta iyo Jaanta ee  Somaliland Culture and Sports Association loona soo gaabiyo SOCSA, ayaa halkaasi Wacdaro ka dhigay, waxaanay kusoo bandhigeen Cayaaraha Qoob ka yaarka, Sida Cayaarta Saylicida oo aad loola dhacay. Waxaanay kooxdaasi soo jiiteen dhammaan dareenkii Daawadayaasha, kuwaasoo aad ugu dhaygagay Habka ay isula helayaan Jiibta iyo Jaanta. Waxaanay Dadweynihii halkaasi isug yimi ay isu dareen Sacab aan kala go’lahayn.

Ugu dambayntii waxaa Barnaamijkaasi soo afmeeray Hal-abuurka weyn Dhaqan yaqaan Muuse Cali-Faruur, Abwaanka oo laga Codsaday inuu ka hadlo Guurka  ayaa Madashaasi si ballaadhan oo Mug leh uga Ibo-bixiyey Guurka iyo Noocyadiisii kala duwanaa. Waxaanu intaasi kagadaal raaciyey Ifafaalo Fiican oo uu ka bixiyey Zamanka innagu soo foolka leh iyo waliba Wakhtigan xaadirka ah Barwaaqada ka jirta Miyiga Hawdka oo lagu xasuusan karo Waayo-waayo, Markaad aragtid Nimcada taala iyo Dhirta noocyadeeda kala duwan ee Meelahaasi ka baxday.

Diyaariye: C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra).
E-mail: Salaanmuctasim@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland