Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL aya Gurmad Gadhsiisay Degmada Lowyacado Ee Gobolka Salal.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL aya Gurmad Gadhsiisay Degmada Lowyacado Salal.

Gurmadka Degdega ah oo ka kooban dawooyin iyo Dhakaatiir lagu xoojinayo hawlwadeenadda Caafimaad ee hore uga hawl galayay. Kuwaaso hadii rabi idmo wax katari doona xakamaynta iyo daawayn bukaano uu deegaanka ku haleelay xanuunka Kaduudiye (Chikungunya).

Sidookale masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kulamo lagu qiimaynayo baahida Caafimaadka la yeeshay masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada cafimaadka iyo Gudiga caafimaadka degmada.

Ugu dambayn masuuliyiinta iyo Gudiga caafimaadka ee deegaanka ayaa isla qaatay sidii la iskaga kaashan lahaa Horumarinta Caafimaadka iyadoo mahmiyada la siinayo wadashaqaynta iyo joogtaynta wacyigalinta

Advertisement

Ku Xayeysiiso