Xukuumadda Liibiya oo hakisay wada-hadalladii ay la laheyd Janaraal Khalifa Haftar

Dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsanyahay ayaa hakisay wad-hadallo ay Qaramada Midoobay gar-wadeen ka aheyd oo la doonayey in lagu joojiyay mushkulidda ka taagan Liibiya, kaddib markii xoogagga Janaraal Haftar ay weerareen dekedda Tripoli.

Qaramada Midoobay ayaa Geneva ku martigelisay labada dhinac si loo joojoyo xabadda ka dhaceysa nawaaxiga caasimadda Liibiya, Xoogagga daacadda u ah Janaraal Khalifa Haftar iyo ciidamada Dowladda ayaa muddo sanad ku dhow ku loolamaya gacan ku heynta caasimdda Liibiya ee Tripoli.

Dagaalka socda muddada sannadka ah waxaa ku barakacay dad gaaraya 150,000 oo ruux.
Wada-hadallada ayaa waxa bil ka hor ogolaaday dowladaha kala taageeraya labada dhinac ee ishaya, shir ka dhacay dalka Jarmalka.

Wadamada reer galbeedka ayaa dusha sare ka daawanayey loolanka u dhaxeeya labada dhinac tan iyo markii meesha laga saaray awooddii Qadaafi 2011, islamarkaana albaabada u furay awoodaha gobolka sida Masar, Imaaraadka iyo Turkiga.

Xukuumadda Liibiya ayaa wacad ku martay in jawaab ay ka bixineyso xilliga ugu habboon weerarka ay xoogagga Haftar ku soo qaadeen dekedda magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso