Xamaray waa markiiniiye kaalaya Hargeysa

Wakhtigii ay Jamhuuriyada Somaliland xoriyada ka qaadatay Boqortooyadii ingiriiska 26 juun 1960kii waa tii Jamhuuriyadii Somaliland oo curdin ah oo aan Todoba Cisho jirsan Xamar loola cararay ee Dal calankii isticmaarku ka taagan yahay calan xor ah dhuumashada loogu geeyey, dabadeed waatii 28ka sanadood Dulmiga, caddaalad daro iyo Dowlad aan lawada lahayn Somaliland iyo Soomaaliya ay kuwada joogeen iyaga oo ku guuldaraystay midnimadii SHANTA SOOMAALIYEED ama SOOMAALIWEYN, waatii xigtay 3 sanadood oo xasuuq qayaxan oo reer Somaliland loo gaystay, dabadeed waatii 18 may 1991dii Jamhuuriyadii Somaliland Dib loo Dhidbay, dabadeed mudo 29 sanadood ah markay Somaliland jamhuuriyad gooni u taagan ahaayd Dunidana ictiraaf kadoonaysa Mar qudhuun Xamaray kaalay Hargeysa ay YEEDHAY, oo waatan muwaadiniintii reer Somaliland cadho qaraqmay markay maqleen Madaxweynihii Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Farmaajo itoobiya ugu tegay, iminkana sow dhiigii ku’muu wada kicin markay maqleen Xamar iyo Fiila Soomaaliya oo aggaamaheedii wadata oo Farmaajo horkacayaa Hargeysa imanaaya, waxa se layaab noqotay Ummadan Xamar looga waramaayo ee kii u ahaa madaxweynaha uu waxba u sheegi kari waayey shacabkiisii ee Afka ka xidhay ee iskaashatadiisii caanalayda ahayd ee uu dhawaan samaystay iyo halaha weyda ah ee uu meesha ku weegaartay isku mashquulinaaya, waa yaab! Tolow Mudane Muuse Biixi itoobiya Maxaa kasoo maray, waakan shib yidhee Xamarna ay showraysee? 

Hadal iyo dhamaan Farmaajo hargeysa wuu imankaraa siddii hore loo sheegay Hadduu ictiraafo in Somaliland tahay jamhuuriyad Madaxbanaan oo aan ka mid ahayn Soomaaliya, caleemo qoyanbaana lagu soo dhawayn haddu taa qiro, se anigoo ictiraafin baan iska imanayaa ma Dowlad gobaleedadiisii ayuu moodayaa!, Takale Madaxweynaha itoobiya wuu Imankara isagu se Farmaajo ayaan soo kaxaysanayaa ma Afadiisii baa mise waa wiil uu dhalay, sidani waa yaabe!. 

Madaxweyne Muusow wax noo sheeg ma raaligelintii afgobaabsiga ahayd ee uu raaciyey waa in jabhadii SNM ee xaq u dirirka ahayd, iyana xaal bixiyaan, miyaad adna Mudane u balan qaaday xaal-marin Farmaajo oo tidhi hargeysa kaalay, Mudane Madaxweyne shacabkaaga runta u sheeg oo la Hadal Xamaray waa markiiniiye kaalaya Hargeysa, wax kaa Soconaaya mayhee. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso