Puntland oo ku eedeysay faragelin Dowladda Farmaajo ku hayso deeganada puntland

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay Ciidamo farabadan geyso deegaano ka tirsan Gobolka Mudug maamul ahaana hoostaga Maamulkaas.

Guddoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay ka warheleen qorshaha ay wado dowladda Federaalka,isla markaana Bisha Saddexaad ee sanadkaan ay Ciidamo u daabuleyso Magaalada Gaalkacyo si ay ugu qabsato degmooyinka Gobolka Mudug.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland in tallaabadas ay dowladda Federaalka ku fashilmi doonto,iyaga oo isku dayi doona inay Puntland ka saarto deegaannada ay ka Maamulaan Gobolkaasi Mudug.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland Axmed Muuse Nuur hadii ay dowladda qaado tallaabadaas uu go’aankoodu yahay inay qaadan tillaabo Millateri oo ay kaga jawaabi doonaan hadii qeyb kamid ah deegaannada Puntland la keeno Ciidamo ka socda kuwa Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Federaalka ay dhawaan Ciidamo farabadan geysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo taas oo abuurtay xiisad weli ka taagan Gobolkaas.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso