Khilaaf Maalmihii u danbeeyay ka Taagnaa Degmo ganacsiyeedka Togwajaale oo Xal rasmi ah laga gaadhay

Wasiiradda Wasaaradda Tiknoolajiyada Iyo Hawlaha Guud ayaa soo afjaray Khilaaf maalmihii u danbeeyay ka Dhex taagnaa Magaaladda Tog wajaale.

Khilaafkan oo u dhexeeyay Maamulka Degmada Togwajaale iyo Badhasaabka Gobolka Gebilay isla markaana ka dhashay dhul loogu talo galay inuu noqdo xabaalaha magaaladda Togwajaale oo lagu wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Jidadka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Tiknoolajiyadda  iyo Isgaadhsiinta Mudane C.weli C.laahi Suufi oo Warbaahinta kula hadlay magaaladda Togwajaale ayaa sheegay inay gebi ahaanba soo afjareen khilaafkaas oo buuq ka abuuray magaalo ganacsiyeedka Togwajaale, Waxa uu wasiirku cadeeyay in dhulkaasi uu ahaanayo Xabaalaha degmadaasi yeelanayso, Wasiirku waxa uu intaas ku daray in dawladu ay dhul kale siin doonto wasaaradda Horumarinta Jiddadka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Tiknoolajiyada iyo isgaadhsiintu waxa uu ugu baaqay shacabka degmada Togwajaale inay si wanaagsan ula shaqeeyaan laamaha amaanka maadaama xal buuxa laga gaadhay khilaafkii dhulkaasi ka dhashay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso