Dadkii ugu badnaa oo cudurka Carona Virus ugu dhintay wadanka Shiinaha.

Cudurka dilaaga ah ee Karoona ayaa dadkii ugu badnaa maalin qudha ku dilay wadanka shiinaha.

Wararka ka imaanaya wadanka Shiinaha ayaa sheegaya in isbitaallada ay jiifaan bukaanada qaba Virus Caroonka ay ku dhinteen dad kabadan 230 qof, war rasmi ah oo kasoo baxay guddiga caafimaadka dowladda shiinaha uqaabilsan latacaalidda cudurkan dilaaga ah ayaa lagu sheegay in 242 qof ay shalay oo kaliya udhinteen cudurka Karoona.

Dadka ugu badan waxay ku dhinteen magaalada Wuhan ee gobolka Hubi ee dhaca badhtamaha Shiinaha waana meesha uu kasoo bilaawday.

Maamulayaasha Shiinaha waxay carabaabeen in dhimashada guud ee cudurkani sababay ay gaadhay 1355 qof halka dadka la ildaran ay gaadhayaan 60-kun oo qof, wararka ayaa intaas ku daraya in dad gaadhaya 3441 ay cudurka ka bogsoodeen islamarkaana laga saaray isbitaalladii lagu karaantiimeeyey.

Cudurkan Shiinaha ka dilaacay ayaa khilaaf soo kala dhaxgeliyay maamulayaasha wadanka, guddoomiyihii Xisbiga shuuciga uqaabilsanaa gobolka Hubi ayaa shaqada laga eryay kadib markii lagu eedeeyay gaabis iyo waxqabad la’aan.

Wakaaladda wararka u faafisa shiinaha ayaa gelinkii dambe ee maalintii arbacada faafisay in la casilay laba mas’uul oo dowladda shiinaha uqaabilsanaa la tacalidda cudurka.

Guddiga caafimaadka dowladda shuuciyadda Shiinaha ayaa iclaamiyay in maalmihii salaadii iyo Arbacadii uu cudurka Karoona soo ritay illaa 14,840 qof taas oo ka dhigan dadkii ugu badnaa oo maalin qudha uu cudurkani soo rito.

dhinaca kale dowladda Fiyatnaam ayaa ku dhawaaqday in cudurka Karoona uu ka dilaacay wadankeeda, war kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Fiyatnaam waxaa lagu sheegay in xaalad bandow ah lagusoo rogay degmo ku dhow magaalada caasimadda ah ee Haanooy.

Mas’uuliyiinta Fiyatnaam waxay sheegeen in dadka ku dhaqan degmadan oo tiradooda lagu sheegay 10 kun oo qof la karaantiimeeyey kadib markii 15 qof laga helay cudurka Karoona.

Advertisement

Ku Xayeysiiso