Jabuuti oo samaysanaysa Dayax Gacmeed

Dowladaa Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay yeelato dhowaan Dayax Gacmeed u gaar ah , kaas ay dooneyso in ay ku horumariso arrimaha Bulshada iyo dhaqaala.

Kulan ay Magaalada Jabuuti ku yeesheen Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo prof;Laurent Dusseau, oo ah maamulaha Xarunta Space ee Jaamacadda Montpellier ahna Agaasimaha hay’adda, Van Allen Foundation, ayaa lagu sheegay in muddo Laba Sano gudahood ah lagu soo gaba-gabayn doono samaynta Dayax Gacmeedka.

Wasiirka tacliinta Dalka Jabuuti, Nabiil Maxamed Axmed oo shirka qayb ka ahaa ayaa sheegay in ay dedaallo xooggan ku bixin doonaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen Khibradda Bulshada Dalkiisa iyo dhiirri gelinta horumarinta Dadka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso