Wasiirka Horumarinta Caafimaadku Ma Noqon Doonaa Mid U Dhego Nuglaada Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedhaysa Dadweynaha Reer Burco.

Wasiirka Horumarinta Caafimaadku Ma Noqon Doonaa Mid  U Dhego Nuglaada Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedhaysa Dadweynaha Reer Burco.

Shacbiga Ku Dhaqan Magaalada Burco Ee Xrrunta Gobolka Togdheer Ayaa Weli Waxa Maankooda Kasii Guuxaya Safarkii Dhowaanta Taliyaha Ciidanka Poolisku Ku Yimi Magaalada Burco,Iyadoo Dadweynaha Reer Burco Socdaalkaasi Taliyuhu  Ugu Qiimaysan Yahay Booqasho Taariikhi Ah.

 Waa Arrin Iska Caadi Ah Weligeedbana Dhici Jirtay  In Madaxda Dawladdu Safaro La Xidhiidha Hawlaha Ay Qaranka U Hayaan Ku Kala Bixiyaan Gobolda Dalka,Hase Ahaatee,Asbaabaha Keenay In  Socdaalkan Taliyaha  Ay Si Gaar Ah Hoosta Uga Xariiqaan Ayaa Ah, Kadib Markii Uu Taliyuhu Kormeer Ku Maray Saldhigyada Booliska Isla Markaana U Kuur Galay Xaalada Nololeed Ee Maxaabiista Ku Xidhan Saldhigyadaasi, Iyo Sababaha Xadhigooda Oo Uu Wax Ka Waydiiyay  Qaar Ka Mid Ah Maxaabiista,Iyadoo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland,Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Uu Isla Waqtigaasi Halkaasi Ku Bixiyay Amarro La Xidhiidha Natiijadii Uga Soo Baxday  Baadhitaanka Duruufihii Ku Xeernaa Goobahaasi.

Hadaba Iyadoo  Ay Kormeerkaasi Taliyaha Ee Magaalada Burco Kasoo Wareegtay  In Ka Badan Saddex Todobaad Ayaa Arrinta Xiisaha Lehi Waxa Ay Tahay In Ilaa Maanta Dhacdooyinkii Ku Taxnaa Kormeerkaasi Ay Ka Noqdeen Gudaha  Magaalada Burco Waxyaabaha Loogu Hadal Haynta Badan Yahay,Iyagoo Bulshadu Dareen Isku Mid Ah Ka Muujiyay Si Kal Iyo Laab Ahna Usoo Dhoweeyay, Waxaanay Kuu Sheegayaan In Talaabooyinka Noocan Ahi Haddii Ay Sii Socdaan Masuul Kastaana Dabagal Sidan Oo Kale Ah Ku Sameeyo,Qaab-Socodka Adeegga Hay’addiisu Qaranka U Hayso,In Wax Badan Oo Inaga Qaldanaa Markii Hore Ay Ku Saxmi Doonaan.,Dhibaatooyin Badan Oo Dalka Iyo Dadkaba Caqabad Ku Ahaana  Meesha Ka Baxayaan….

Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Burco  Ayaa  Geesta Kale  Waxa Ay Ka Rajaynayaan Masuuliyiinta Kale Ee Dawladda Inay  Iyaguna Dhinacooga Talaabooyinkaasi Oo Kale Ku Dhaqaaqaan.

 Iyagoo Si Gaar Ah Dadweynahaasi Farta Ugu fiiqaya Baaqyo Culusna Ugu Jeediyay  Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Kaasi Oo Ay Kaga Dalbanayaan Inuu  Ka Sameeyo Gobolka Hawlagallo  Baadhitaan Iyo La Xisaabtan Ku Aaddan Wasaaradda Caafimaadka Gobolka,Oo Ay Ku Sheegeen In Adeeggii Ay Ummadda U Qaban Lahayd,Ay La Daadegeen  Musuq Maasuq Baahsan ,Iyo Maamul Xumo Regaadisay Dhammaan   Hawlihii inay Dadka U Qabato Loogu Talo Galay, Iyadoo Xataa Shaqaalaha Ka Hawlgala MCH-Yada Gobolka Ay Kuu Sheegayaan In Bil Kasta Lacag Ka Badan  100 Dollar Qof Kasta Mushaharkiisa Ay Ka Goostaan   Maamulka Sare Ee Caafimaadka Gobolku ,Taasi Oo Ay Ilaa Haatan Garan La’yihiin Sababta Looga Gooyo, Mushaharkaasi Oo Ay Soo Bixiso Hay’adda Samo Falka HPA.

Arrimaha Kale Ee Intaasi Dheer Isla Markaana Ay Dadweynaha Reer Burco Sida Weyn Uga Cabanayaan Ayay Ka Mid Tahay, In Todobaadka Oo Idil Maamulka Caafimaadku Kasoo Xaadirin Xarrunta Wasaaradaasi,Qof Kasta Oo Hawl Uga Baahdaana, Uu Halkaasi Kula Kulmayo  Xoghaymaha Oo Ku Dhex Luloonaya Gudaha Xafiisyada Xarruntaasi,  ,Ama Bannaanka Uga Soo Baxay Oo iska Hadhsanaya Dhirta Ku Dhex Taalla Xayn daabka Wsaaradda, Masuuliyiintiina Ka Maqan Yihiin,Iyadoo Kolka La Weydiiyo Halka ay Ku maqan yihiin,  Madaxdii Wasaaradda  Ay Kuu Sheegayaan,Shaqaalauhu inaysan Joogin, Isla Markaana Wax Xog Ah  Ka Haynin isu duwihii  Inuu Iman Doono Iyo In Kaleeto.

Si Kastaba Ha Ahaatee Si Ay Shacbiga Gobolka Togdheer Uga Nastaan Dhibaatooyinka Is Barkan Iyo Duruufaha Ku Gadaaman  Caafimaadka Gobolka Oo Ah Goob Halbowle U Ah Nolosha Bulshada,Wasiirka Horumarinta Caafimaadku Ma Noqon Doonaa Mid  U Dhego Nuglaada Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedhaysa Dadweynaha Reer Burco,Oo Ka Mid Ah Mujtamaca Uu Xilka U Siddo,Mase Noqon Doonaa Masuulkii Labaad Ee Ka Suurta Geliya Gobolka Baadhitaanno  Loogu Dhabba Gelayo,Qaabka Ay Wax Uga Soocdaan Halkaasi  Iyo Caqabadaha  Naafada Ka Dhigay Adeeggii Caafimaadka Gobolku Halka Uu Kasoo Maaxanayo…

Cali Warsame Xirsi..Freelancer Journalist Hargeisa…

Advertisement

Ku Xayeysiiso