Mashaariicdii laga maalgelinaayey Sanduuqa SDF 1&2 xagay ku danbeeyeen? Maxayse ku dhamaadeen Mashaariicdii Maamul-daadejinta ee JPLG? A/rahman fidhinle UK

1- Mashruuca JPLG ee maamul-daadejinta dawladaha Hoose ( Joint Programme on Local Governments)

Waxaa mashariicda JPLG ee maamul- daadejinta Dawladaha hoose maalgeliya dawladaha deeqaha bixiya ee qaramada midoobay waxaana ay dhaqaalaha soo mariyaan Madaxda hayadahooda sida Hayada UNDP,NICEF, UNCDF, UNHABITAT iyo ILO  Iyada oo la cuskanaayo Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka  ee Xeer Lr- 23 ,Waxaa mashruucan laga fuliyey Degmooyinka darajada A,B,C kuwaas laga hirgeliyey laguna soo koobay Sideed degmo oo keliya oo ay ka mid yihiin. Maroodijeex, Burco, Boorama, Berbera, Oodweyne, Seylac,Gabiley iyo Degmada Sheikh. Hadaba  Su’aasha qarnigu waxay tahay Maxaa loo qoondeeyey 15- kii Degmo  ee mashruucani uu ka dhamaaday ?

Mashruucan oo Somaalilaan ka socdey 6-dii sanadood ee la soo dhaafay ayaan weli gaadhin yoolkii maamul-daadejineed ee uu higsanaayey maadaama lala raftay oo aanu wada gaadhin dhamaan gobolada dalka oo dhan gaar ahaan Goboladii Bariga oo aad ugu baahnaa mashruucan. Barnaamijka maamul-daadejinta ee mashruucani xanbaarsan yahay ayaa loogu talo galay in adeegyada guud loogu dhaweeyo dadweynaha reer Somaalilaan, adeegyadaana waxaa ka mid ha , Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo korontada. Goboladii uu ka dhamaaday mashruucani ayaa laga dhawaajiyey in dawladu ugu bedeli doonto mashruuc kale oo dhawaan dhalad ah oo loogu magac daray Mashruuca Balaadhinta Maamulka iyo Maareynta Dawladaha Hoose, waxaana  laga bilaabayaa ayey leeyihiin Gololada Bariga sida Gobolka Sanaag, Sool iyo Saraar waana loo joogi doona wixii nool.

2- Mashruuca Education Cannot Wait oo Somalilaan loo qoondeeyey lacag dhan $ 22 Million dollar , mashruucaas oo socon doona mudo 4 sano ah ayaaney weli dawlada Somaalilaan shacabka u soo bandhigin sida Gobolada Somaalilaan loogu qeybiyey.

3- Mashaariicda Global Partnership for Education oo Somaalilaan loo qoondeeyey lacag dhan $18 Million oo dollar kaas oo isna socon doona 4 sano ayaan isna weli ummadda JSL  loo soo bandhigin Goobaha iyo Gobolada loo qorsheeyey in laga fuliyo.

4- Mashruuca Horumarinta Cilmiga oo  Midowga yurub ugu deeqay Somaalilaan lacag dhan $15 million kaas oo maraaya wejigiisii  Sadexaad isna

    weli shacabka reer Somaalilaan Xukuumadu umay soo bandhigin gobolada ama goobaha laga fuliyey ama uu ka socdo hada.

5- Mashruuca G12  ee isna loogu yaboohay JSL lacag dhan  £13.Million dollar taa soo loo qorsheeyey in lagu dhiso laguna qalabeeyo  Dugsiyada  Farsamada Gacanta  ee JSL  ayaan isna weli warkiisa laheyn..

5-  Dawlada ingiriiska ayaa lacag dhan $25 Million oo dollar ku kordhisay qadarkii lacagta ahaa ee ay ku shubi jirtay  Sanduuqa Horumarinta Somaalilaan ( SDF)

     Shacabka Somaalilaan weli looma cadeyn Gobolada iyo Goobaha lagu maal gelinaayo lacagtaas tirada badan.

6- Mashruuca isna ay bixiyeen Qaramada midoobay eeGPE oo ay isna  ku baxday lacag dhan $1.million doolar loona qoondeeyey in macalimiinta Somaalilaan lagu tababaro warkiisa lama maqal in uu dhamaaday iyo inta macalin ee ka qayb qaadatay.

7- Mashruucii uu bixiyey Baanka Germay oo Somaalilaan uu ugu deeqay lacag dhan $10.million dollar si loogu sameeyo Biyo qabatin, Gabeyno iyo Caro-gedi isna waa lays weydiinayaa halkuu ku danbeeyey mashruucaasi iyo goobaha wax laga qabtay?

8-  Mashruucii  ka soo Kabashada  Abaaraha ee Dawlada Canada ugu deegday lacag dhan $10.Million Dollar  labada Gobol ee Togdheer iyo Daad-madheedh xaguu isna ku danbeeyey, sowtan Togdheer qaylinaysa ma dhamaaday oo shacabka  ma loo soo bandhigay? Waxaa laga dhawaajiyey in mashruucani raacsanaaa Wejigii 1-aad ee SDF 1.

9-  Mashruucii  $ 20 Million dollar ahaa ee Hayada USAIDku horumarinaysay Beeraha, Xoolaha iyo Kaluunka Somaalilaan isna Xaguu ku danbeeyey mase dhamaaday mise xaalkiisu wuxuu iska noqday “Aan ka fuudee- allow – fii-haa ” !! Hadii mashaariicdan si doodii loo fuliyey waa in dhaqaalaha JSL ee saktarkan oo hada ah 8% uu kor u soo kacaa hadii kale xaalku waa hal bacaad lagu lisay.

10- Sanadkii dhamaaday Qaramada midoobay ayaa Somaalilaan ku deeqday lacag dhan $3.5 Million Dollar si wax loo taro Degmooyinkii iyo Goobihii ay Duufaanadu saameyeen sanadkii dhamaaday isla goobahaas ayaa hadana lagu soo gunaanaday dhawaan mashruucii baaxada lahaa ee maamul-daadejinta hadana wax qabad muuqda lama sheegin oo goobahaas laguma arag Yaab !!

Somaalida ayaa ku maah-maahda “Beentaada hore runtaada danbe ayey dishaa”- Somaalilaan maanta runtii  ayaa beentii  ku dhex ambatay. Waxaana dhacday in

Qorshihii Labaad ee Higsiga Horumarinta Somalilaan (SNDP 2)  in aan bud-dhig iyo baleysin looga dhigin Sanduuqa Horumarinta Somalilaan ee  SDF 1 iyo 2 . Taa soo iyana sababtay in  mashaariicdii uu Sanduuqu maalgelinaayey ay gaabis ka noqdaan ujeedooyinkii loo abuuray ee ahaa in kor loogu qaado nolosha shacabka iyo  kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalka iyada oo lawada gaadhsiinaayo Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo dhan. Waxaa dhawaan laga dhawaajiyey in iyada oo aan la qabyo tirin oo aan sixitaan lagu sameyn Wejigii 1-aad  ee Mashaariicdii  Sanduuqa horumarinta Somaliland in layska bilaabay markiiba  Wejigii 2-aad ee Sanduuqa Horumarinta Somalilaan ee SDF 2  Taa soo shacabkii uu ku wareeray qorshe xumada ragaadisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaalilaan.

Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in laysu dheeli tiro sifiyaasha loo bixinaayo mashaariicda horumarineed ee dalka, si looga wada dhadhamiyo Gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.Waxaana Xukuumada laga filayaa fidinta iyo sii balaadhinta maamul daadejinta si loo abuuro kobcinta dhaqaalaha iyo hanaan dimuqraadiyadeed oo ku wadda  fida dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan.

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

Advertisement

Ku Xayeysiiso