Qaramada Midoobay oo eedeyn u jeedisay dalalka isku haya Liibiya

Qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaaday in xadgudubka hubka uu wali ka sii socdo dalka Liibiya,iyadoo  ay jirto heshiis xabad joojin ah todobaadkii hore dhinacyada siyaasada ay ku gaadheen magaalada Baarliin ee dalka Jarmalka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in wadamada qeybta ka ahaa heshiiskii Nabada ee 19-kii bishan Janaayo ay wali dhaqan gelin Heshiiskan.

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dalkan ku yaal waqooyiga Afrika ay wali ka jirto dhibaato ay mas’uul ka yihiin wadamo la kala safan dhinacyada isku haya siyaasadda Liibiya.

Heshiiska xabad joojinta Liibiya ee lagu saxiixay dalka Jarmalka, waxaa qeyb ka ahaa 16 wadan iyo hey’ado u ololeeya Nabada.

Kulanka ka dhacay magaalada Baarliin ayaa dhanka kale la isla gartay in Qaramada Midoobay ay kormeerto dhaqan galinta heshiiska xabad joojinta Liibiya.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii todobaadkii hore Mucaaradka Liibiya ay ku hanjabeen in ay soo ridayaan diyaarad waliba oo ku soo degta garoonka diyaaradaha caasimada Tripoli.

Siyaasiyiinta  wadankaan kala hogaaminaya, Hogaamiyaha ciidamada mucaaradka ee Janeraal Khaliifa Hafter iyo madaxweynaha dowlada Calaamaku aqoonsan yahay ee fadhigiisu yahay magaalada Tripoli Feysal Siraaj, waxa ay labada dhinac sheeganayaan in midba midka kale uu yahay Hogaamiya Liibiya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso