Hay’ada Maxaliga Ee Y-Peer Oo Kulan Masraxiyeed Wacyigalin Ah Uqabtey Shacabka Xaafada Digaale

Hay’ada Maxaliga Ee Y-Peer Oo Kulan Masraxiyeed Wacyigalin Ah Uqabtey Shacabka Xaafada Digaale

Hay’adda Maxaliga ah ee Somaliland Y-PEER oo kaashanaysa hay’ada Qaramada Midoobay ee UNFPA ayaa bulshada ku dhaqan xaafada barakacayaasha ee Digaale u qabatay masrax wacyi-gelineed ku saabsan, Caafimaadka hooyada, ka hortaga cudurka HIV/AIDS-KA, dhibaatooyinka laga dhaxlo gudniinka gabdhaha iyo dhammaan caaddooyinka xunxun ee soo jireenka ah. Sidoo kale waxa goobtaasi loogu qaybiyey qaar ka mid ah haweenka aan awoodin in ay ibiisadaan agabka daryeelka haweenka.
Waxa kulankan kasoo qayb galay Wefti uu hogaaminayo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay, ahna u qaabilsan dhinaca gar-gaarka bina-aadam-nimadda mudane Adam Abdelmoula oo safar shaqo ku joogay Somaliland muddo saddex cisho, Ergaygu intii uu joogay wuxuu la kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”, Wasiirka Arrimaha Guddaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyayaasha Ha’yadaha Barakayaasha iyo ka hortaga Masiibooyinka iyo Keydka Raashinka.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Somaliland Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac oo warbixin kooban ka siiyey ujeedada bandhigan wacyigelineed iyo qaybinta agabka daryeelka haweenka.
Dhanka kale waxa isaguna madasha ka hadlay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay, u qaabilsan dhinaca gar-gaarka bina-aadam-nimadda mudane Adam Abdelmoula oo ka warbixiyey hawlaha UN-ku ka wado Somaliland, gaar ahaan kuwo ay hormuudka ka tahay Ha’yadda UNFPA, waxaana uu yidhi “socdaalkayagani waxa uu aad h khuseeyaa marka laga eego dhinac bini-aadamtinimada waxyaabaha khuseeya Somaliland sida: daadka iyo abaaraha”.
Ugu damabyn waxaa kulankan ka hadlay mudane Xasan Maxamed Digaale, oo ah ninka dhulka siiyay bulshada ku dhaqan kaamka barakacayaasha ee Digaale, waxanu uga mahadceliyay Y-PEER, UNFPA, iyo hay’adaha kale ee UN ka taageerada bulsho ee ay soo gaadhsiiyaan bulshada ku dhaqan xaafadan, Waxaanu yidhi ” waan uga mahad celinayaa kulankan at Ypeer iyo UNFPA noo qabteen iyo waliba warbixinta at naga bixin doonaan.”
Kulankan intuu socday waxa lagu bandhigay masrixiyad xambaarsanayd fariimo ka hadlaysay khatarta caafimaad ee HIV/ADIS-ka iyo joojinta gudniinka gabdhaha.
Gebagebadii kulanka waxa qaar ka mid ah haweenka degan xaafada barakacayaasha ee Digaale loo qaybiyey agabka daryeelka haweenka ee aan awoodin in iibsadaan.
Halkan ka daawo muuqaalka warkan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso