Tirada dadka u dhimanaya Caabuqa Karoona (Coronavirus) oo sii kordhaya

Tirada Dadka u dhintay Caabuqa loo yaqaan corona  ayaa gaadhay 106-Qof gudaha Dalka Shiinaha sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Dalkaasi.

Dadka u dhintay Cudurkaan waxaa ku jira Dhaqaatiir kuwaas oo ku howlanaa daweynta Dadka Xanuunsan,iyada oo laga hortagayo in cudurka uu sii faafo ayaa Dowladda Shiinaha waxay xoojisay xayiraada  socdaalka.

Waxaa la jaray dhammaan Waddooyinka  gala Magaalada Wuhan oo ah halka uu ka bilowday Cudurkaan dilaaga ah.

Sidoo kale, waxaa sare u kacay dadka ku nool dalalka kale ee caalamka ee uu haleelay caabuqan,waxaana Kiisas hor leh laga soo sheegayaa  dalalka Singapore iyo Jarmalka.

Guud ahaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaala dalka Shiinaha, waxaa la hakiyay gaadiidka dadweynaha, waxaana cudurkan uu dilaacay xilli dalka Shiinaha looga diyaar garoobayay dabaaldegga sanadka cusub, xilliyadaas oo dad badan ay aad u safraan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso