Somaliland: Maxkamadda Sare oo Qaab Sulux Lagu Wada Qancay ku soo Afjartay Guri la Isku Haystay Muddo ku Dhaw 50 Sanno

“Waxa jira dad hantiilayaal ah oo haddana faqiir ah oo aan manaafacaadsan karin hantidooda oo dacwado ka taagan yihiin, Maxkamaduhuna xayiraad saareen, markaa waxa aan dadweynaha ka codsanayaa…”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

 

Hargeysa (THN)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku guulaysatay in qaab sulux ah lagu soo afjaro khilaaf ka taagnaa guri la isku haystay muddo ku dhaw 50 sanno, kaasoo ku yaal badhtamaha Caasimadda Hargeysa.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, khilaafka gurigani waxa uu u dhexeeyey laba dhinac oo kala ah Yuusuf Faarax Qaasaali iyo agoonta Ilma Ismaaciil Nuur Qasaali oo isku hal dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Ilma Maxamuud Cabdillaahi Qaalib Diir-qadhaadh, kaasoo ay dacwaddiisu socotay ilaa sannadkii 1982-kii, balse si rasmi ah loogu dhawaaqay in qaab sulux ah lagu soo afjaro Arbacadii shalay oo taariikhdu ahayd 22 January 2020.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xubnaha metelayey qoysaska isku haystay gurigaas oo si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay shalay, ayaa sheegay in Guddi sulux ah oo ay Maxkamadda Sare u saartay kiiskaas lagu go’aamiyey in gurigaas si furan loo iibiyo, kadibna lacagta ka soo baxda si isleeg loogu qaybiyo labada qoys ee khilaafku ka dhexeeyey.

“Wuu dhammaaday xalkii gurigaas muddada dheer la isku haystay ee ku yaal dhinaca Koonfur-galbeed ee Masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa, kaasoo ah guri la wada yaqaan oo jihooyinkiisu wad cad yihiin, wixii hadda ka dambeeyana uma xayirna Maxkamadda oo waa la iibinayaa oo maanta (22 January 2020) wuu fasaxan yahay, murankiisiina wuu soo afjarmay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu ka hadlay qaabka la doonayo in loo iibiyo gurigan xalka suluxa ah looga gaadhay ee la isku haystay muddada dheer ee nuq-qarniga ku dhow, waxaannu yidhi; “Sida lagu wada heshiiyey, Guddi madaxbannaan oo ay Maxkamadda Sare hagayso ayaa iibin doona gurigaas, dhinacyada khilaafka gurigu ka dhexeeyeyna way heshiiyeen, waanan uga mahadnaqaynaa, iyadoo ay Maxkamadda Sare-na waqti badan gelisay sidii loo heli lahaa xalka gurigan, sababtoo ah waxyaabaha aannu halkan u fadhino waxa ka mid ah in dadka la caawiyo oo dadku kala baxaan oo ay noloshoodii ku noqdaan oo ay wanaagsanaadaan, taas ayeyna ujeedadu tahay.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in dacwadda gurigaasi ay muddo dheer ka socotay Maxkamadaha kala duwan ee Somaliland, isla markaana laga soo saaray go’aanno labada dhinacba ku qanci waayeen, kadibna la saaray xayiraad, balse hadda kiiskaasi ku dhammaaday si sulux ah, waxaannu yidhi; “Dacwaddani waa dacwad loo maaro waayey oo hore loogu taag waayey, markaa sidii qolooyinkii hore u sii qufuleen (xayiraadda loo saaray) markii loo taag waayey ayuun baannu anaguna sii qufuli lahayn oo aannu odhan lahayn; “sawtii meeshii qufulnayd muddada afartanka sanno (40) ah, maxaad naga soo doonteen? Markaa way iska qufulnnaan lahayd uun oo cidna may intifaacsateen, laakiin waqti iyo dedaal badan ayaannu gelinay oo guddiyo badan ayaannu la kulannay, waannu sii daba istaagnay oo waa laga hadhi waayey oo dhinacyada oo dhan waannu u yeedhaynay, si kiiskani u soo afjarmo, imminkana waannu ku wada guulaysannay arrintaas, markaa waxa aan halkan uga mahadnaqayaa dhinacyii wada aqbalay go’aankii ay soo jeediyeen Guddidii suluxda ahayd ee ay Maxkamaddu dirtay.”

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale caddeeyey in tallaabooyinka sida suluxa ah loogu soo afjarayey kiiska la xidhiidha gurigan la isku haystay ay socdeen afartii sanno ee la soo dhaafay, kadib markii ay hawshaas Maxkamadda Sare bilawday sannadkii 2016-kii, waxaannu yidhi; “Markii dacwadaha gurigan muddo dheer soo jiitameen ee ay ilaa Golaha Guurtidu hore u galeen si xal looga gaadho, laguna guul-daraystay oo Maxkamaduhuna u taag waayeen, ayaa wax dhacday in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axme Siilaanyo uu kiiskan u soo gudbiyo Maxkamadda Sare oo uu naga codsaday in aannu ka shaqayno sidii kiiskan si sulux ah loogu xallin lahaa, iyadoo ay markaas jireen kiisas kale oo muddadii aan Maxkamadda Sare joogay lagu xaliyey si dhinacyadu isla wada ogol yihiin oo meel dhexe la iskugu yimaado, markaa hawshan suluxa ah waxa aannu wadnay ilaa afartii sanno ee u dambeeyey laga soo bilaabo sannadkii 2016-kii, iyadoo aannu marka ugu horaysay uga mahadnaqayno dhinacyada oo aqbalay go’aankii suluxa ahaa oo ay isku tannaasuleen, mar labaadkana waxa aannu u mahadnaqaynaa Guddidaas ay Maxkamaddu u saartay ee isugu jira salaadiinta, cuqaasha, ugaaska, odayaasha iyo acyaanta kale isugu jira ee arrintaas ka qaybgalay sidii suluxa loogu dhammayn lahaa.”

“Sida aynu ognahay suluxu waa waxa koowaad ee marka uu muran yimaado laga bilaabayo ay tahay oo ah in marka hore la isku dayo in dadka dacwaduhu ka dhexeeyo ay si suluxa ku dhammaystaan hawshooda, kiisaska suluxa lagu dhammeeyo way ka fiican yihiin kiisaska ku dhammaada gar-cadaawe ee lagu kala adkaado, iyadoo ay diinta islaamkuna xoogga saartay in sulux lagu xaliyo waxyaabaha dadku isku qabtaan. Imminka waxa jira dacwado badan oo khilaafkoodu socday muddo dheer, welina ku jira Maxkaamdaha dalka, waxa kaloo jira dad hantiilayaal ah oo haddana faqiir ah oo aan manaafacaadsan karin hantidooda oo dacwado ka taagan yihiin, Maxkamaduhuna xayiraad saareen, markaa waxa aan dadweynaha ka codsanayaa oo aan u soo jeedinayaa inay si sulux ah ku xalistaan kiisaska dhexdooda ah, si aanay cadaawad dhexdooda u iman, hanti ay u baahnaayaan oo ay manaafacaadsan lahaayeena uga xayirnaan, iyadoo muddadii aan joognay Maxkamadda Sare-na aannu kiisas badan oo muddo dheer dacwadahoogu soo taagnaayeen aannu markii dambe si sulux ah ku dahmmaynay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Oday Yuusuf Faarax oo ka mid ah labada qoys ee gurigaas isku haystay muddada dheer ee ka badan 40-ka sanno oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in khilaafkan gurigan ay dhibaatooyin badan ka dhaceen, labada dhinacba ay ku dagaalameen, isla markaana lagu dilay kiiskaas, balse hadda si sulux ah lagu dhammeeyey, waxaannu yidhi; “Waannu ku dagaalannay, dad ayaannu ku laynay oo ilaa lixdan qof oo rag iyo dumarba isugu jira ayaa la naga kala xidhay, markaa meeshu maxralado badan ayey soo martay oo dacwadaas maanta sida suluxa lagu dhammeeyey waxay soo bilaabantay sannadkii 1982-kii oo waxa ay kolba soo socotaba horta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo guddidii uu u diray ayuu Ilaahay (SW) shimbir uga dhigay oo wixii ay na yidhaahdeenna anaguna waannu aqbalnay oo labadayada dhinacba waannu wada aqbalnay.”

Xubno kale oo ka mid ah labada qoys ee gurigaas isku haysay iyo Guddida suluxa ah ee ay Maxkamadda Sare u saartay sannadkii 2016-kii oo iyaguna goobta hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay si xooggan ugu faraxsan yihiin qaabka loo soo afjaray khilaafkii gurigaas, la iskuna afgartay in gurigaas si rasmi ah loo iibiyo, kadibna ay labada dhinac qaybsadaan wixii lacag ah ee ka soo baxda.


 

Advertisement

Ku Xayeysiiso