Qaramada Midoobay oo sheegtay Inaan ciidamo nabad Ilaalin caalami ah loo diri doonin

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Liibiya Ghasaan Salaama ayaa si cad u muujiyay sida uu uga soo horjeedo in ciidamo nabad ilaalin caalami ah loo diro dalka Liibiya si ay uga qayb qaataan xaaladda nabadeed ee dalkaasi.

Ghasaan Salaama  oo maanta la hadlay wargays laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa yiri “Ma jiro aqbalaad rasmi ah oo ku saabsan in ciidamo shisheeye loo diro Liibiya, umana arko in bulshada caalamku ay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan Liibiya, haddii xaaladda Liibiya sii adkaato, waxaa macquul ah in loo diro kormeerayaal milatari”

Wuxuu intaa ku daray inay muhiim tahay sidii loo sii adkayn lahaa heshiisyada ku meel gaarka ah ee xabad joojinta ah, kuwaas oo hada la gaaray, taasoo u baahan in looga gudbo heshiis xabad joojin rasmi ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddiga cusub ee caalamiga ah ee la aas aasay ay yihiin guddi ku takhasusay sii wadista isku dubbaridka geeddi-socodka ka bilaabmay shirkii Berlin, isla markaana ay markii u horraysay kulmi doonaan guddigaas bartamaha bisha soo socota.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso