Madaxweyne Biixi oo sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis

Taariikh: 20/01/2020

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyoJSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegtooyin Madaxweyne

 

 

 

 

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

 

Ku: Amaal Cabdi Xasan

       Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

 

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,

      Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

 

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.

 

MAGACAABID:-

 

Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:              Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

 

Markaan Sameeyey:        La-tashi;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

 

 

 

 

 

 

 

Tir

Magaca

Xilka

1.

Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga

2.

Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska

3.

Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude

Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

4.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta

5.

Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

6.

Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada

7.

Axmed Cabdirisaaq Diiriye

Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka

8.

Maxamed Axmed Xasan (Jabarti)

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda

9.

Maxamuud Ismaaciil Cilmi

Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

           

             

Advertisement

Ku Xayeysiiso