Dad ku sumoobay caano oo lagu daaweynaayo cisbitaalka Qardho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in 8 ruux oo ka kooban laba qoys la dhigay isbitaalka magaalada kuwaas oo ku sumoobay caano ay cabeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbtaalka.

Dadka sumoobay waxa ku jira Carruur yaryar  kuwaas oo midkood uu markii danbe geeriyooday sida ay Xaqiijiyeen maamulka isbitaalka  gacanta ku hayo xaalada caafimaad  ee bukaanada.

Mas’uuliyiinta isbitaalka wax faah-faahin ah kama  bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumoobaan caanaha balse waxa ay warbaahinta u shegeen in dib ay ka faah-faahin donaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso