Xukuumadda Suudaan oo sheegtay in ay fashilisay Inqilaab Melleteri.

Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay fashilisay Inqilaab cusub oo ladoonayo in lagu maja xaabiyo hanaanka Dimuquraadiyadda wadanka ka hana qaaday.

Dagaallo culus ayaa shalay magaalada caasimadda ah ee Khurduum ku dhaxmaray ciidamada Melleteriga iyo ciidamo katirsan qeybta howlgallada Mukhaabaraatka.

Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in dagaallada oo saacado badan qaatay ay sababeen in laga itaal roonaadyo ciidamada Sirdoonka oo la sheegay in ay daacad u yihiin Cumar Xasan Al Bashiir madaxweynihii hore ee Suudaan.

Cabdi Fataax Alburhaan oo ah madaxa golaha Fulinta dowladda Suudaan ayaa iclaamiyay in lasoo gaba gaboobay kacdoonkii fallaagada ayna gacanta ku hayaan ammaanka magaalada Caasimadda ah.

Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen in dagaalka ay ku dhinteen 2 askari iyo sedax qof oo shacab ah halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, taliyaha ciidamda falcelinta degdegga ah ayaa inqilaabkan ku eedeeyay Saalax Qoosh oo ah taliyihii hore ee Sirdoonka maamulkii Albashiir.

Cabdalla Xamduuk oo ah R/wasaaraha xukuumadda KMG Suudaan ayaa ciidamada Melleteriga ku ammaanay sida ay ufashiliyeen isku daygii Inqilaab ee ka dhacay magaalada Khurduum.

Advertisement

Ku Xayeysiiso