Salafiyada iyo Dawlad Islaami ah

SALAFIYADA IYO DAWLAD «ISLAAMI» AH
Salafiyada/Wahaabiyadu waxay ku doodaan inay u dagaallamayaan hirgelinta dawlad «islaami» ah.Arrintani waa waxyaabaha Salafiyadu kaga duwan tahay Xanbaliyada ay ka qaataan fiqiga iyo caqiidada(arrimaha ku saabsan sifooyinka Alle,qadarta iwm).Waxay kale oo kaga duwan yihiin waa gaalaynta dhammaan ciddii ku khilaafta fiqi iyo arrimaha caqiidada iyo weliba bannaysiga dhiiggooda.Tusaale ahaan,way gaalaysiinayaan Ashcariyada iyo Matrudiyada oo ah muslimiinta sunniga intooda badan,Suufiyadana ayaga warkoodaba daa.Labadaan arrimood ayaa ah asaaska fikirka salafiga,waana kuwa ugu dhibaatada badan ee urur diimeed la yimaado taariikhda islaamka.Saddex arrimood oo kale oo salafiga gaar u ah gadaal baan ka taaban doonaa Alle idanki.Si ay dadka ugu qasbaan fikirkooda waxay baadi goobayaan wax ay ugu yeeraan dawlad islaami ah.
Dawlad waa cidda haysa awoodda maamul ee dal siday doontaba talada ha ku qabsatee.Tusaale ahaan dawladda Maraykanku waa Aqalka cad,Koongareeska iyo Maxkamadda sarena waxay dusha ka eegaan in dawladdu shaqadeeda u qabato si sharciga waafaqsan.Boqortooyooyinka iyo keli-tashadayaasha talada xoogga ku qabsaday ayaguna waxay hoos imaanayaan magaca dawlad.Dawlad islaami ah waxaa looga jeedaa dawlad talada ku qabsatay magac diineed,waana khayaano laga galayo diinta oo lagu duufsado maskaxda dadka aan diinta aqoonta u lahayn.Ma jirto cid gooni ah oo diintu awoodda siisay,ha ahaato urur,xisbi,qabiil ama mad-hab.Dadka muslimiinta ahi ee wanaagsani wax kastoo lagu lifaaqo magaca diinta wanaag bay u arkaan,waxaase arrintaas ka faaiideysta cid kasta oo doonaysa inay danaheeda ku gaarto.Salafiyadu iyagoo higsanaya xarakadii Wahaabiyada ayey doonayaan inay hoggaanka ku qabsadaan magaca diinta.Ciddii mucaarid ku noqota ama talada kula loolantana waxay ku sheegayaan kuwo gaaloobay oo kasoo horjeeda dawladda «islaamiga»ah,dariiqa ayaana lagu tooganayaa.Kuwooda aan hadda hubka sidan way ku waafaqsan yihiin kuwa hubaysan raadinta waxa loogu yeeray dawlad islaami ah,waxay ku kala duwan yihiin waddada loo marayo la wareegidda talada.Dawladdu agtooda waxay «islaami»tahay markay ayagu talada hayaan,mana oggola inay awoodda la qaybsadaan dadka intiisa kale maadaama ay gaalo u arkaan.
Dhismaha dawladdu waa talo utaal dadka dal ka dhexeeyo diintay doonaan ha haysteene,diintuna ma farageliso cidda dadku u dooranayaan taladooda.Dawlad dhisiddu waa waxyaabaha bannaan(xalaal) diintuna ma farageliso cidda loo dooranayo talada.Quraanku wuxuu bixiyey tusmo guud oo ah;wadatashi(Al-shuuraa),caddaalad iyo musuqmaasuq la,aan.Xubnaha dawladdana waa in lagu xulaa aaminnimo iyo aqoon(aqoonta maamulka).Waa laga doodi karaa dastuurka iyo siduu ula jaanqaadayo ama u waafaqsan yahay diinta,dastuurka iyo dawladduse waa laba arrimood oo kala duwan.Shaqada culimmadu waa inay ka hadlaan arrimaha diinta khuseeya ee dastuurka ku qoran.Nebi Muxammed(NNKA) muddo ayuu jirranaa intuusan dhiman,cidna uma magacaabin hoggaanka dawladda.Waa been an raad lahayn hadalka kuwa ku andacoonaya inuu qof ama qabiil talada u magacaabay.Erayada «dawlad» iyo «islaam» isma qabsadaan sida aysan isu qabsan «Nabadoon ama Garaad» iyo «islaam».Lama oran karo waxaan dooraneynnaa nabad doon ama garaad islaami ah!
Shaqada dawladdu waa inay maamusho arrimaha dalka sida nabadgelyada waxbarashada,caafimaadka,dhaqaalaha,daryeelka dadka tabarta daran,ka tabaabushaysiga dhibaatooyinka dabiiciga ah,dhismaha jidadka,dekadaha garoomamada iyo guud ahaan horumarinta dalka.Dawlad kasta xumaanteeda iyo wanaaggeeda waxaa lagu cabbiraa siday wax uga qabato arrimaha bulshada iyo horumarinta dalka.Shaqada dawladda maaha inay dadka ku qasabto diinta,waase inay ilaaliso nabadgelyada meelaha lagu cibaadaysto diin iyo mad-hab ayadoon loo eegin.Dawladda oo magac iyo marmarsiinyo diimeed lagu raadiyaa wuxuu dhaawacayaa diinta iyo dawladda labadaba.
Waa nasiib xumo in dawladaha maanta dunida ugu liita ay ka jiraan dunida islaamka,waxaana taa raad weyn ku leh fiqiga islaamka oo aan lahayn aragti cad markay noqoto siyaasadda ha noqoto sida loo dooranayo madaxda,awooddooda,intay talada haynayaan,boobka hantida guud iwm.Markii la dejinayey fiqiga islaamka qarnigii labaad iyo saddexaad ee hijriga waxaa maamulka hayey keligi-tashadayaal dhiigyocabyo u badan,lamana oggolayn in looga hadlo arrimaha siyaasadda si buuxda,welina dib u eegis laguma sameyn fiqigaas.Taasi waa tan keentay in lagu hadaaqo erayo la mid ah dawlad islaami ah oo weliba culimmo badani taageerto.Culimmada diinta intooda badani aqoon uma laha aqoonta bulshada iyo tan dabiicadda toona,meelaha lagu barto diintana dadka lama baro waxaan ahayn fiqi la qoray 1200 sano ka hor oo la xafidsiiyo sida cajaladaha wax loogu duubo.
Salafiyadu/Wahaabiyadu waxay kale oo soo kordhiyeen inay qofka iyo diintiisaba ku cabbiraan dharkiisa,garkiisa iyo muuqaalka guud taasoo istustus iyo munaafaqnimo badan keentay.Hadday awoodda qabsadaan waxay dariiq kasta joojinayaan niman jeedallo wata oo cabbiraya dharka dadka iyo garkooda,shaqada iyo waajibka dawladduna agtooda waa intaas.Dawladdii Daalibaan ee ka talinaysay Afgaanistaan iyo Sacuudiga ayaana tusaale noogu filan.Dalka oo dhan waxaa loo beddelayaa xabbis dusha ka furan.
Salafiyadu/Wahaabiyadu waxay dagaal kula jiraan barashada aqoonta dabiicadda iyo bulshada oo qaarkood xaaraamaynayo sida Boko Xaraam,qaarna liidayo,la yaabna ma leh in fikirka salafiyadu si ba,an ugu faafo meelaha aqoontu ku yar tahay iyo dalalka dagaallada sokeeye ka jiraan.Waxay kale oo kasoo horjeedaan adeegsiga caqliga oo ay u arkaan inuu horseedayo in laga hor yimaado danahooda,dadkuna noqdo xoolo loo dareersado meeshii la rabo oo qaarkood bumbo dhexda loogu xiro markii la rabo.
Dalalka salafiyadu ku faafto weligood ka bixi mayaan dagaal diineed oo aan dhammaad lahayn maadaama ay gaalaysiinayaan cid kasta oo khilaafsan,taas waxaa raaca dagaal siyaasadeed si ay talada ula wareegaan,munaafaqnimo iyo aqoondarro.Arrimahaasi waxay meesha ka saarayaan wax kasta oo horumar iyo nabadgelyo ah.Salafiyadu waxay ku doodaan inay dadka ka saarayaan khuraafaadka suufiyada iyo qabuuro caabudka,laakiin cid kasta oo aan iyaga ahayn gaalo ayey u arkaan,arrintuna qabuuro keliya ma aha.Marna ma suurowdo in dadkoo dhani isku diin,isku mad-hab iyo isku ra,yi noqdaan.Taasina waa sababta Alle u abuuray oo xorriyadda u siiyey(Huud 119),cidii isku dayda inay dadka xorriyadda ka qaaddana Alle Weyne ayey dagaal ugu baaqday.
Annaga soomaalida ahi horay baan ula ciirsanayn qabyaalad iyo musuqmaasuq,waxaanan la kuf dhacaynnaa sidaynnu u samaysan lahayn hab siyaasadeed dib usoo celiya qarannimadii dalka,dagaal diineedna kama soo waaqsan karno.Hadda waxaa dalkii aad ugu faafay salafiyada/wahaabiyada oo cirka ku shareeray xal kasta oo lagu raadinayo qaran soomaaliyeed.Kuwa dagaallamaya oo maalin kasta xasuuqaya dadka waxaa la mid ah kuwa cimaamadda culimmada wata oo faafinaya fikirkan oo lagasoo maalgeliyo khaliijka carabta.Afkay furaanba qolo ayaa la gaalaysiinayaa dhiiggoodana la bannaynayaa,muxaadarooyinkooda inta badanina waa kala faquuqa dadka muslimiinta ah.Kun sano ka badan ayey soomaalidu muslimiin ahaayeen,welina lama arag qof masjidka dhexdiisa lagu tooganayo ayadoo Alle loogu dhawaanayo!!Soomaalidu waa dagaallami jireen,laakiin way ogaayeen in diin ahaan taasi xun tahay,waana tay ku maahmaaheen ;Alle ka cabsi iyo rag iska dhici meel ma wada galaan!Hadda waxaa la yiri dadka layntiisa ayaaba Alle loogu dhawaanayaa!
Haddaba soomaaliyey yeynnaan ku khaldamin muuqaalka diimeed ee salafiyada.Mad-hab sunni ah oo aad ugu dhow tan Xanbaliyada ee salafiyadu keentay kase dulqaad badan ayeynnu weligeen haysanney,baahina uma qabno mad-hab cusub kun sano ka dib,laakiin dhibaatada salafiyadu ka weyn mad-hab oo wuxuu saameynayaa mustaqbalka dalka boqollaal sano oo soo socda.
Wa Billaahi Altawfiiq
W.Q CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi

Advertisement

Ku Xayeysiiso