Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland oo Shaciyay xilligga la tooganaayo raggii dilay Caa’isho Ilyaas.


Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysna kufsigii  iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan o aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayey warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan,gaar ahaan saacadda  marka ay tahay 8:00 subaxnimo,iyadoo  goobta lagu fulin doonano ay noqon doonto magaalada Bosaaso.

Raggan Saddexda ah oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii  Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso