Sulddaan Qaabuuska Dalka Cumaan oo Geeriyooday iyo Sulddaan Haytham oo la Wareegay Xukunka Dalkaas.  

Sulddaan Qaabuus Bin Saciid ayaa galabnimadii jimcaha ku geeriyooday dalka Cummaan, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu ku jiray isbitaal xaaladdiisuna ay ahayd mid aad u liidatay, waxaana dhakhtarkiisa gaarka ah uu dadaal badan ugu jiray inuu daweeyo,balse waxaa ilaahay qaddaray inuu u geeriyoodo xanuunkii hayay.

Kadib geerida Sulddaanka ayaa waxaa shir deg deg ah u fariistay ehelada Suldaanka waxayna isku raaceen in hoggaaminta Salddanadda uu si KMG ah usii hayn doono Sulddaan Haytham Bin Daariq oo ahaa Wasiirka Dhaqanka iyo Hiddaha dalka Cummaan.

Sulddaan Qaabuus ayaa da’diisu ahayd 79-sano, wuxuuna xukunka waddanka Cummaan la wareegay Jully 23, 1970, taasoo noqonaysa in xukunkiisu shaqaynayey muddo haatan laga joogo 50-sano.

Sulddaanka cusub ee la wareegay hoggaaminta dalka Cummaan Sulddaan Haytham Bin Daariq ayaa si toos ah ugu wareegi doona aqalka madaxtooyada ee uu ka geeriyooday Sulddaan Qaabuus, isagoo noqonaya hoggaamiyihii labaad ee Cummaan 50-sano kadib.

Advertisement

Ku Xayeysiiso