Sheekh Caan ah oo dhintay isagoo ku dhawaaqaya Kalimadda لا إله إلا الله xilli uu ku sugnaa Xaflad aroos

Allaha Unaxariista waxaa si lama filaan ah ugeeriyooday Sheekhii Daaciga ahaa ee reer Falasdiin Sheekh Maxmuud Cabdul Baaqi oo ku magac dheeraa Abuu Khadaab.

Sheekha ayaa geeriyooday isagoo wacdi diini ah ujeedinayay dad muslimiin ah oo soo xaadiray Xaflas Aroos, isagoo dad farabadan umuxaadaranayay kana hadlaya dhaqamadii Nabiga SCW ayay marqura naftu ka baxday.

Video si aad ah layskula dhax qaaday baraha Bulshada ayaa muujinaya Sheekha Maxmuud oo naftu kasii baxayso isagoo ku celcelinaya Kalimadda Towxiidka ee لا إله إلا الله.

Sheekha ayaa daqiiqado ka hor intii uusan dhiman wuxuu muslimiinta ku baraarujinayay in ay dhan walba noloshooda uga daydaan Nabi Muxamed SCW.

Allaha Unaxariistee Sheekh Abuu Khadaab ayaa ahaa Daaci islaami ah oo ku dhashay degmada Dulkaram ee dhulka Falsdiin balse sanadadii dambe uu ka shaqeynayay acmaasha Kheyriga ah wuxuuna ahaa daaci islaami ah oo kunoolaa wadanka Kuweyt.

Khaatumada Sheekha dhintay ayaa aheyd mid kheyr xambaarsan wuxuuna dhintay isagoo odhanaya لا إله إلا الله

Xadiith saxiix ah oo laga wariyay Nabiga SCW ayaa sheegaya in qofkii dhinta isagoo hadalkiisa ugu dambeeya uu yahay لا إله إلا الله uu Jannada gelayo.

عن أبي ذر رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “ما من عبد قال لا إله إلا الله، ثم مات على ذلك، إلا دخل الجنة” و(روى مسلم) عن عثمان رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “من مات وهو يعلم أنه لا إله إلا الله، دخل الجنة”.

Hoos Ka Daawo Video-ga ilbidhiqsiyadii uu Sheekhu dhimanayay

Advertisement

Ku Xayeysiiso