Xukuumadda Somaliland oo ku Dhawaaqday Mashaariic laga Fulinayo Saddex Gobol

Xukuumadda Somaliland ayaa ku sheegtay  in la bilaabayo sannadkan mashaariic lagu horumarinayo degmooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Caynaba, kuwaasi oo aanay ciddina ka taagaareynin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in barnaamijkani yahay mid loogu talagalay in xukuumadda Somaliland ay ku horumariso degmooyinkaasi, isla markaana uu noqonayo mid ay dawladdu hindistay oo marxaladiisii koowaad la bilaabayo  oo dawladdu fulinayso.

Waxana loo qaatay barnaamijkaasi saddexda degmo ee  Ceerigaabo, Laascaanood iyo Caynaba iyadoo dawladdu ay u qoondeysay dhaqaalahii lagu fulin lahaa mashaariicdaasi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso