Tiro Mashaariic ah oo Laga Fulinayo Gobolka Sool oo la Shaaciyey

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka warramay mashaariicda u qorshaysan inay xukuumaddu ka fuliso gobolka Sool sannadka 2020.

Sida uu ku waramayo wariye Liibaan Qaran oo wakaaladda wararka Somaliland ee Solna uga soo warama gobolka Sool, Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sannadkan gobolka laga bilaabi doono mashruuca  maamul daadejinta dawladaha hoose ee loo yaqaano JPLG kaasi oo uu xusay inuu gobolku sugayay muddo dheer isla markaana dhawaan la daah furi doono.

Waxa kaloo uu sheegay in la dhammaystiri doono Garoonka ciyaaraha Laascaanood ee Cabdi Bile Cabdi, iyo dhismaha Secendery-ga ee guriga gobolka. Sidoo kalena la dhammaystiri doono dhismaha Jaamacadda Nugaal ee gobolka Sool.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe waxa uu intaasi ku daray in iyana sannadkan 2020 la bilaabi doono dhismaha Dabdemiska ee magaalada Laascaanood iyo mashaariic kale oo lagu horumarinayo gobolkaasi.

Geesta kale guddoomiyuhu waxa uu sheegay in taariikhda Daraawiishtu ay tahay mid ay leeyihiin dadka reer Somaliland. cid aan dawladda JSL ahayna ayna  sheegan karin isla markaana wax astaan ah oo ku saabsan Taariikhdaasi ka taagi karin magaalada Laascaanood. Waxaanu xusay inay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii loo muujin lahaa Taariikhda Daraawiishta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso