Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse BiixiLa Yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan SomalilandIyo Soomaaliya

Nuxurka Kulan Madaxweyne Muuse Biixi La Yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

 https://youtu.be/NJwb3E5lCn0

Hargeysa-09-01-2020-(THN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan.

 

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa  diirradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay  u dhexeeya iyo dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga jiraan horumarka Somaliland.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u guntay farriimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

 

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan iyo sida ay qaran ahaan u saluugsan tahay, “Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay tahay dhinaca  dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha uu mid walba saluug badani nagaga jiro waxtarka caalamka,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir.

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah.

 

Dhinaciisa,  wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda  ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan.

 

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta maaliyadda.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso