Sheeko yar oo Xigmadaysan oo dhex martay wiil iyo Aabihii. W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan

Sheeko yar oo Xigmadaysan oo dhex martay wiil iyo Aabihii.

W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan

Waxaa la yidhi Wiil iyo Aabihii ayaa Soo wada fadhiistay Meel xeeb ah oo aad uqurux badan oo kamid ah meelaha lagu nasto ee jawiga fiican leh.

Odaygii ayaa eegay Shimbir Ku taagan Geed aan ka fogayn halka ay Fadhiyaan ee xeebta ah.

Odaygii ayaa yidhi wiilkaygiyaw waa maxay waxaa geedkaa ku taagani ?.

Wiilkii ayaa ku jawaabay Aabo waa Tuke.
Isla Su’aashii hore oo kale ayuu mar labaad waydiiyay wiilkiisii Aabihi.!

Wiilkii ayaa isna sidii si lamida ugu jawaabay aabo hore ayaan kuugu sheegay oo waa Tuke.!

Aabihi mar Sedexaad ayuu wiilkiisii hadana Su’aalay isla Su,aashii.?!

Wiilkii ayaa intuu Xanaaqay yidh ” miyaad dhaga-culustay mise waad waalantay Imisa jeer ayaan kuu sheegay inuu Tuke yahay Aabo”.!

Aabihi isagoo Samirka Badasanaya wiilkiisana wax wayn Dareensiinaya ayuu yidhi.

Wiilkaygiyaw ma ogtahay markii aad yarayd in aad i waydiisay 300 jeer isla Su’aashaa iyo waamaxay waxaasi.

Markastna aan kaaga jawaabi jiray anigoo is dajinaya, naxariisna kuu oo odhanaya Aabo waa Tuke. !
Adna Sedex jeer ayaan ku Su,aalay oo aad ku xanaaqday kuna samri wayday.

xigmada ku jirta waxa weeye in samirka la badsado oo aan wax walba degdeg loga jawaabin.

Malaha Somaliland ayaa siyaabo badan ugu eeg wiilkaas iyo Aabihii wixiidhex maray………… Bal adba.!!

W.Q. Abdirashiid Muuse Aadan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso