Iiraan oo weerartay Saldhigyo Maraykan sheegtayna in ay 80 Askari ku dishay

Qaar kamid ah Saldhigyada Melleteri ee ciidamada Mareykanka uga suganyihiin wadanka Ciraaq ayaa xalay lakulmay weeraro gantaalo ah kuwaas oo uga yimid dowladda Iiraan.

Taliska ciidanka ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay in 12 gantaal nooca ridada fog ah ay ku weerareen laba saldhig oo ciidamada Mareykanka uga suganyihiin galbeedka iyo Waqooyiga dalka Ciraaq.

Duqeynta ugu xooggan waxay ku dhacday saldhigga Ceynul Asad oo kumanaan Askari American ah ku suganyihiin, Telefeshinka rasmiga ah ee dowladda Iiraan ayaa baahiyay muuqaallo muujinayay sawaariikh ku hoobanaysa saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Tahran wuxuu sheegay in 80 askari American ah ay ku dhinteen duqeynta boqolaal kalane ay ku dhaawacmeen.

Donald Trump oo farriin kooban soo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu sheegay in wax dhib ah aysan jirin balse ay wadaan baadhitaanno ku aaddan waxyeellada ka dhalatay duqeymihii lagu qaaday saldhigyada ciidamadiisa Ciraaq.

Wasaaradaha difaaca dowladaha Australia iyo Norway waxay sheegeen in wax khasaara ah aysan gaadhin ciidamadooda ku sugan Saldhiga Ceynul Asad ee Iiraan ay duqeysay, saldhiggan oo kuyaal gobolka Al Anbaar waxaa ku sugan ugu yaraan 2 kun askar American ah.

Dowladda Iiraan ayaa weerarkan ay ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ugu magac dartay Qaasim Suleymaani oo ah Jeneraal melleteri oo Mareykanku uu ku dilay garoonka diyaaradaha magaalada Baqdaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso