Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Masuul Ay Mahadisay Bulshadii Oommanayd. Q 3aad. Cabdifatax Cali Faarax.

Shaqsiga haya xil-dawladeed oo hawlbowle ah, isla markaana leh, aqoon, khibrad shaqo, firfircooni dhalinyaronimo iyo daacadnimo leh, waxa uu Hayadda uu qaranka uga wakiil yahay ka dhigaa mid tisqaada, oo umaddu mahadiso adeegga ay u bulshada u qabato.

Sidaas daraadeed Akhristee waxa sunne wanaagsan ah, in masuulka xilka uu dawlada ka hayo sidii la rabay uga soo baxa in lagu boggaadiyo shaqada wanaagsan iyo adeegyada uu dadkiisa gaadhsiiyey, waxana kamid ah masuuliyiinta bulshaddu mahadisay ee kamidka ah Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera Eng. Saleebaan Cabdi Looliya, oo ah masuul meesha ka saaray dhaliishii Xukuumada uga iman jirtay bulshada Gobolka Saaxil ee dhinaca Biyaha. 

Maareeyaha Saleebaan waxa uu dardar-geliyey hanaanka shaqo ee Wakaalada, waxanu Biyo-gelin ku sameeyey ilaa afar xaafadood oo kamid ah Magaaladda Berbera oo sannooyinkii u dambeeyey fidiysay, isla markaa ah Magaalo xeebeed cimiladeedu kulushahay, iyadoo aanu qofna waqti yar biyo-laan Karin. Maareeye Saleebaan waxa uu soo jiitay inshaha bulshada Saaxil kuwasoo Guri-walbaa uga ducaynayaa, kaddib markii uu ka haqab-tiray Biyaha qasaabadda.

Waxanu Maareeye Saleebaan ku guuleystay mudadii koobnayd ee u xilka hayey, inay xaafadaha Waraabe u taaga iyo Burco sheikh iyo kuwo kaloo badani helaan Biyo nadiifa oo ah kuwo qasabadeed, si toosana u cabbaan hadda, iyagoon hore u heli jirin intaa badan, sidoo kale, waxa xusid mudan in ay hawlo shaqo oo lexaadkooda leh, ku foogan tahay wakaaladda Berbera, oo la waddo, isla markaana qaybihii u mihiimsanaa la dhigay Beebebkii Biyaha soo qaada ee keena Magaaladda Berbera, waxa laga soo lalinayaa masaafo fog.

Waxanu Maareeyuhuu ka faaideeyey mashruuca Maalgelinta Biyo-balaadhinta Magaalada Berbera, isaggoo habeen iyo maalin walbaa aad arkayso isagoo ku hawlan qabyo-tirka hawlaha shaqo ee Biyo balaadhinta Magaalada Berbera, waxanay taasi furo u noqotay inuu si xawliya u socdo mashruuca Biyo-balaadhinta Berbera.

Sidoo kale, waxa uu Maareeyaha mudada yar xilka Wakaalada Biyaha ee Berbera hayey Md. Saleeban Cabdi looliya nidaam shaqo ee bulshadu ku faraxday ka hir-geliyey shaqaalaha Wakaalada Biyaha ee Berbera, isagoo u sameeyey dirays iyo agab lagu garto, isla markaana xilliga shaqada ee shaqaalaha ka dhigay mid heer Caalamiya, isagoo hanankii hore ka bedelay wax weyn. La soco qaybaha dambe.

Waa Bilahi Tawfiiq

Cabdifatax Cali Faarax.

Berbera/Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso