Tacsi tiiraanyo leh,marxuumad Caasha-Baar Muse,oo Hargeysa ku geeriyootay

  انا للة وانا الية راجعون

Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng Mohamed Ali Muse,ka qoyska iyo caruurtayda,,waxaan  tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, caruurtii ,ehelkii, qaraabadii, xigaalk ii,gacalkii,asxaabtii,Mujaahidiinta SNM iyo dhammaan shacabka reer Somaliland,geerida naxdinta leh ee ku timid Edaday Caasha Muse,oo ku magac dheereyd Caasha-Baar,oo maanta oo Jimce ah,3 January 2020, ku geeriyootay magaalada Hargeysa,aas Qaranna loogu sameeyey magaalada Gabiley.

Marxuumad Caasha-Baar,waxay ahayd Hooyadii Somaliland,Hooyadii Gobolka Gabiley,waxaanay ka mid ahayd Mujaahidintii naf iyo maalba ku bixiyey halgankii dib u xoreynta ee Jamhuuriyada Somaliland,illaa maantana qayb libaax ku lahayd dib u dhiska dalka,walaalaynta shacabka,samo-falka masaakiinta iyo dadka danyart ah.

Marxuumad Caasha-Baar, Qadarinta,Magaca,Maamuuska, Qiimaha iyo Karaamada, ay dhex lahayd  shacabka Somaliland iyo Qarankaba, waxaa uga markhaatiya ergada ka qayb gashay aaskeedii , ee ka kala yimid Bari illaa Galbeed.Waxaan Edaday Caasha Muse (Caasha-Baar),aan  Allaha awooda leh uga baryeyaa inuu  naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir iyo iimaan innaga siiyo, amiin amiin amiin.

انا للة وانا الية راجعون 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso