Caarrow adigoo wax Dili kara, ayaad Duco qaadatee Hanbalyo.

Ninka geesiga ahi maaha macangaga meeshuu qabsado loo gooyo, ee ergo diidka ah ee aan qabsoomin, siddoo kale cidna wax ka maqal. 

Se waa ninka go’aansan qaadashada leh, ee wax ka dhiidhiya, waxna dhowra, waxna dhaafa ee ku dhac iyo ka jooga leh ee wax xaaleeya, waxna maqla ee wax xeeriya, kaas ayaa lagu sheegi Karaa Geesi, 

Sidda tabtaa Mujaahid Kornayl Siciid Jaamac Caare, waana kugu hanbalyeynayaa siddii milgaha, maamuuska, qadarinta iyo sharafta lahayd ee aad u ogolaatay ergadii kuu timid, waana wax Illaahay loogu Mahad naqo sidda San ee wax u qabsoomeen, kornayl Siciidow shalayna geesi baad ahayd Dulmiga ka dhiidhiyey, maantana geesi baad tahay ergo adeec ah, iyada oo dulmigii jiro oo caddaalad daradii Dalka ka jirto haddii aad adeecday gudidii ergada ahayd oo aad weliba ku wareejisay jabhadii Dulmi diid iyo saanadoodiiba waad ku amaanantahay sidda geesinimada leh ee aad yeeshay. Siddoo kale waxaanu ku rajo weyn nahay in iyana laga helo daacad iyo caddaalad iyo Somaliland lawada leeyahay Dhanka xukuumada talada Somaliland haysa iyo Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, se Hubaal Geesi Caarrow adigoo wax Dili karaad adigu Duco qaadatee Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso