MUSTAQBALKAAGA ADIGAA MEELAYSAN KARA Abdiqani Haji Ali

MUSTAQBALKAAGA ADIGAA MEELAYSAN KARA

Qallinkii: Cabdiqani Xaaji Cali

Qofnimadaada iyo duruufta aad ku nooshahay maanta waa waxaad gacantaada ku goosatay, waana go,aanada aad qaadatay bilihii iyo sanadihii la soo dhaafay, sidaa darteed go,aanka iyo geesinimada aad qaadatid sannadkan waxaad goosan doontaa sannadaha soo socda macaan iyo qadhaadh kuu doonaba ha ahaadee.

Si hadaba aad uga duwanaato sidaad ahaan jirtay sannadkii hore waxaa lagama maarmaan ah inaad u fikirtid una hawlgashid si ka duwan sannadkii tagay.

Bilawgaaguba ha hooseeyo mar hadaad garanaysid waxaad u baahantahay iyo caqabadaha kaa hor imanaya, maalmaha ayaa biiri doono ilaa ay ku gaadhsiiyaan meeshii aad rabtid waa haddii aad dhigatay mabda’a noloshaada xakamaynaya,
Waalid ayaa tusay wiil uu dhalay quraarad yar oo ay ku dhex jirto xabad tufaax ah oo wayn, wiilkii yaraa ayaa la yaabay waxaanu isku dayay inuu ka soo saaro quraarada xabaddaasi tufaaxa ah, wuuse awoodi kari waayay, isagoo is waydiinaya sidee bay ku suurto gashay in tufaaxa intaasi leegi uu dhex galo quraaradaasi yar.

Waalidkiisii baa waydiiyay; Aabo sidee buu tufaaxaasi wayni u dhex galay quraaradaasi yar ee cidhiidhiga ah?
Wiilkii yaraa ayuu waalidkii geeyay bustaan, waxaanu uga soo iibiyay quraarad madhan ka dibna waxa uu dhex galiyay laan ka mid ah tufaaxii quraarada, isagoo dhex galiyay midhihii tufaaxa quraaradii yarayd, maalmo ka dib waxa ku dhex waynaatay tufaaxii quraarada dhexdeeda ilaa ay adkaatay in laga soo saari karo. Markaasi ayuu wiilkii yaraa fahmay sababta iyo qaabka tufaaxu u dhex gashay quraarada yar.
Waalidkiina waxa uu ku yidhi: aabo noloshaada waxaa ku soo mari dad kala duwan, iyagoo aqoon iyo maskax iyo kartiba leh ayay hadana dhaqano xun samaynayaan, waayo waa caadooyin iyo dhaqan ay yaraantoodii la soo qabatimeen kuna adagtahay inay iska daayaan sida ay u adkayd tufaaxa in quraarada laga soo saaro.

Waxaad ku celcelisid ee fal ah iyo waxaad ka fikirtid ee afkaar ahi waxay saamayn ku leeyihiin noloshaada, taasi baana sargoynaysaa waxaad noqonayso. Dad bay guushu u tahay caado, dhaqan iyo nidaam ay la qabatimeen, halka qaar kale doqoniimada, xaasidnimada iyo camal la,aantu ay u noqotay dhaqan ay qabatimeen adagtahayna inay ka waantoobaan sida xabadii tufaaxa ahayd ay u adkayd in quraarada laga soo saaro.

Waxaad qabatid baad leedahay midhihiisa, waxaad beeratana waad goosan, fal kastaana natiijo ayaad ka helaysaa, si taasi aad u fahantidna waxaad u baahantahay inaad baratid qormosinka nolosha ee ay ka mid yihiin;

Waxaanad rumaysnayn ka gun gaadhi maysid: qofku waxa uu rumaysanyahay ee uu hubo inuu gaadhayo amaba kartideeda leeyahay waa uu ka midho dhaliyaa inta uu neefsanayo ee uu caafimaad qabo, sidaad u aragtid meesha aad ku nooshahay ayay noloshuna kuu noqonaysaa, hadaad u aragtid meel aan shaqo, cilmi iyo fursadi oolin iyo haddii aad u aragtid meel dihin fursado shaqo iyo cilmiba yaalo labada waad saxsantahay.

Xuduud waxa kuu ah meeshaad jeexatid: halkaad naftaada dhigtid ee aad ka dhigatid yool ayuu ficilkaaga iyo fikirkaaguba ku eekanayaa oo uu leekaanaya, dad badan waxay aaminsanyihiin inay nasiib xunyihiin, aqoon buuran lahayn, tol wanaagsan ka soo jeedin, curin iyo maskaxna isku ogayn arrimahaasi iyo kuwa la midka ahiba waa beeno nafteena aan ka dhaadhicinay ka dibna ina garbo duubay ilaa aan gaadhnay inaan isku dhiibno mawjadaha nolosha, markaan guuldarraysanana ka dhigano cudurdaar aan ku gabbano.

Aqoontu waa awood: xikmad baa lahayd “ khayr dhamaantii waxaa helay qof xikmad iyo fahan qoto dheer la siiyay, kaasaa ka qiimo badan dahab iyo fiddo, kana qaalisan dhagaxaanta luulka iyo jawharada, lagumana qiyaaso karo qiimihiisa shayna”. Waxaynu noolnahay wakhtigii aqoonta iyo xogta, waxaa laga yimid xilligii warshadaha, sidaa darteed waxaa waajib ah in aqoontaadu ay libin laabato labadii sanaba mar si aad ula jaanqaadi kartid mawjadaha cilmiga ah ee socda, haddii sidaasi aad yeeli waydana waxaa ku qaadan doonto seeftaasi isbadalka ah dhankay doontaba ha noqoto shaqo, aqoon iyo duruufba. Tartanka maantu maaha ka xoolo badan iyo ka aan waxba haysan, wuxuuse daaranyahay qofka aqoontiisu korodhay iyo ka halkiisa taagan.

Waxaad sannadkii hore ka sheekayn jirtay ha ku soo celcelin ilaa intaad dhimanaysid, kitaabkii aad sannadkii hore akhriday, doodii sannadkii hore aad haysatay, fikradii aad aaminsanayd horumari oo sidaad u sheegi jirtay qaab ka duwan u sheeg taasi ayaa caddaynaysa inaad horumar iyo horukac cilmi iyo waayo aragnimo samaysay. Aqoontu waa awood markaan leenahay waa aqoonta keenaysa inaad horumarisid naftaada iyo dadka kugu xeersan, imisaa jaamacado ka soo baxay oo aan naftooda haqab tiri Karin?

  

Advertisement

Ku Xayeysiiso