Agaasime Cumar Sayid Masuul Isku Darsaday Khibrad Shaqo Iyo Waxqabadka Muga leh ee ay Ku Talaabsatay Wasaaradiisa Gaadiidku.

Agaasime Cumar Sayid Masuul Isku Darsaday Khibrad Shaqo Iyo Waxqabadka Muga leh ee ay Ku Talaabsatay Wasaaradiisa Gaadiidku.

Masuulka haya xil-dawladeed oo hawlbowle ah, isla markaana leh, aqoon, khibrad shaqo, firfircooni dhalinyaronimo iyo daacadnimo leh, waxa uu Hayadda uu qaranka uga wakiil yahay ka dhigaa mid tisqaada, oo umaddu mahadiso adeegga ay u bulshada u qabato.

Sidaas daraadeed waxa nala qumanaatay Maanta inaynu qormadeenan kusoo qaadano waxqabadka balaadhan ee bulshadu mahadisay ee ay ku talaabsadeen wasiirka Jidadka Cabdilahi Abokor Cismaan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Gadiidka Md. Cumar Sayid Cabdilahi oo ah mishiinka wareejiya hananka shaqo ee wasaaradaas, isla markaana wasaaradaas ka dhigay hurmuudka Hayadaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi kuwooda ugu waxqabadka badan, ee bulshadu sida weyn u majiiranayso.

Agaasime Cumar Sayid waxa uu leeyahay Khibrad maamul, oo hadda madaxa-lasii gelaysaa 10-sanadood iyo weliba aqoon dhinacyo badan, waxanu madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo 11/1-2013-kii u magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada Duulista iyo hawada Somaliland, waxanu xilka la wareegay 115/2013-kii. Agaasime Cumar Sayid waxa uu wasaaradaas duulista gaadhsiiyey meel-sare, isla markaana waxa uu horumariyey hananka shaqo ee madaarada dalka, gaar ahaan ka caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, Agaasime Cumar waxa uu lasoo shaqeeyey afar wasiir oo soo maamulay Wasaarada Duulista xiligii Madaxweyne Siilaanyo, waxanay kala ahaayeen Maxamuud Xaashi Cabdi, Cismaan Saxardiid, Cumar iyo weliba Farxaan Aadan Haybe, intabana waxa uu kula shaqeeyey si hufan oo ay ka amaan sheegteen madalahoodii xil-wareejinada.

Hadaba, Akhristee agaasime Cumar Sayid Cabdilahi hadda waa agaasimaha guud ee Wasaarada Jadiidka iyo Jidadka Somaliland, waxanu noqday shaqsi laba sanadood gudahood wasaaradaas ku gaadhsiiyey tisqaad iyo horumar balaadhan, isagoo ka hirgeliyey wasaaradda nidaamyo shaqo oo la mahadiyey, waxana dadka u dhow-dhow ee hawladeenada wasaaraddu ku tilmaameen inuu yahay Agaasime isku darsaday khibrad maamul, daacadnimo, Karti  iyo inuu yahay masuul ay mahadisay wasaarada horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka.

Agaasime Cumar Sayid waxa uu had iyo goor-si dhow ula socdaa mashaariicaha waaweyn ee Wasaaradiisu ka waddo dalka sida Wadooyinka ay wasaaraddu dhisayso, ee ay kamid yihiin Wadada Ceerigaabo, wadada Berbera Corridor iyo qaar kaloo badan, waxanu saacad-saacad u dardar-geliyaa hananka shaqo iyo maamul ee wasaaradiisu bulshada u qabanayso. La soco qaybaha dambe iyo warbixin ay qodob-qodob ugu dul istaagi doono waxqabadka agaasimaha Wasaarada Gaadidka Somaliland Md. Cumar Sayid.

Waa Bilahii Tawfiiq

Cabdifatax Cali Faarax

Hargeysa/Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso