Mareykanka oo ciidamo u diraya Ciraaq,ka dib weerar lagu qaaday Safaaraddiisa

Mareykanka ayaa sheegay in ay ciidamo dheeri ah u dirayaan Bariga Dhexe, ka dib markii dad mudaaharaadaya ay weerareen xarunta safaaradda Mareykanka ee dalka  Ciraaq,isla markaana dab qabadsiiyay dhismahaasi.

Xoghayaha gaashaandhigga Mark Esper ayaa war qoraal ah ku sheegay in ilaa 750 askari oo ka socda qeybta gurmadka degdega ah ee 82-aad ee ay diyaar u yihiin in ay geeyaan gobolka dhowrka maalmood ee soosocda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka jawaabaya weerarka  ayaa sheegay in Tehran ay si buuxda mas’uul uga yahay waxa ka dhacay safaaradda dalkaasi ee Baqdaad.

Cadho ka dhalatay duqeyn Mareykanku uu Axaddii ku dilay tiro ciidan ah ayaa sababtay in boqolaal dad ah ay ku soo xoomaan safaaradda Mareykanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso