Waxa Socdaa waa Dulmi’ye, Dumuqraadiyad, Xaal qaado! 

Marka hore Waxaan canbaaraynayaa xadhigga xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Qaran ee Ucid Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waana in muwaadinkaa ahna masuulka Xisbiga qaran ee sifaha sharciga baal marsan loo xidhay xoriyadiisa dhakhso loosiiyaa,

Waxa ayaan daro ah in Xukuumaddii Jamhuuriyada Somaliland ay caadaysatay xadhigga madaxda Xisbiyada qaran, oo waa tii hore sifooyinka sharciga baal marsan mandheera u dhaadhicisay hoghaye Khadar Xuseen, afhayeen Barkhad Jaamac iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Qaran ee Waddani, tan maanta Ramaaxna waxay la halmaashaa uun xadhiggaa siyaasadaysnaa ee lagula kacay madaxdaa Waddani, se haddii aan laga dhiidhiyin caddaalad darada, gafka, tacadiga, xadhigga iyo bahdilaada masuuliyiinta axsaabta qaran ee Xukuumadu caadaysatay, waxa beri xigidoonta in Gudoomiyaasha Xisbiyada qaran iyana latarxiilo, waayo waxa dalkii ka socda caddaalad daro, dulmi iyo tacadi baahsan, iyo siddii Faqashtii in muwaadiniinta guryahooda habeen badhka loogu daato oo gogosha lagala baxo oo anfariir iyo argagax la galiyo ubadkii iyo caruurtii Dalka una dheertahay bahdilaad iyo wax anshaxa iyo islaam-nimada baal marsan in ubadkii waalidkood oo mudh iyo gacan ah lagu hor jabbeeneeyo, Runtii waxay ku xusuusunaysaa maalmihii madoobaa ee murugada lahaa ee lasoo maray,  wakhti uu dalka kursiga ku hantay Madaxweyne Muuse Biixi in uu Mujaahid ka dhiidhiyey dhibtaa yahay, Siddoo kale waxa ayaan daro in ciidamadii sidda gaarka ah loogu tababaray Somaliland ee RRU-dii ahayd inay Shacabka argagixisada iyo kooxaha xadjirka ah ka difaacdo in loo adeegsaday hab siyaasadeed iyo cabsi gelin mushtamaca muwaadiniinta ah lagu baqo geliyo oo lagu amarkutaagleeyo, laguna argagax geliyo shacabkii argagixisada inay iskaga deyraan ahayd. 

Sikastaba ha ahaatee haddii siddii sharcigu ahaa muwaadiniintii loo marinahayn oo ruuxii yidhaa aflagaado ayaa ruux kale ii geytay ee ii xidha loo xidhaayo Dalka Dumuqraadiyad kama jirto, Siddoo kale ruuxa geysta faldanbiyeedka xun ama in uu baxsado laga baqaayo ayaa jeelka lagu hayaa intay maxkamadi xukumayso, sidda laajigeed in uu ku andacoodo masuulka ka hadlay xadhigga xoghaye Ramaax ee leh kiiskii waanu baadhnay weyna ku caddaatay siddaas baanu juwanka soo qabadkiisa ugu jarnay, waa wax lagu qoslo Runtii in masuul sharci dhowre ahi, uu siddaa u hadlo may ahayn iyo in ruux eeda lagu soo oogay aan ka falcelin la yidhaa kiisku waa ku cadyey waa qalad, waayo ruuxna danbiile maaha ilaa maxkamadi qirto mooyee, Siddoo kale waxa wooranka loo jaraan ruuxa laga cawdo ee lala xidhiidho ee soo jawaab celin waaya ama saldhiga looga yeedho ee iman waaya. 

Hadal iyo dhamaan Somaliland waa Waddan dumuqraadi ah baynu dunida ka gadaynay oo ictiraaf ku goobaynay, se waxa Dalka ka Socdaa waa Dulmi iyo sharci dumis ee Dumuqraadiyaday Xaal Qaado. 

Illaahay baa Mahad leh 

Midnimana Somaliland 

Fuad Fartaag 

Fartaagmuwaadin@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso